Gabar Cudurkeeda Lagu Wareeray..Iyo Koob Shaah Oo Xujada Furay !!

haweeneydani ayey dhaqaatiitu la tacaalayeen muddo labo sano ah iyaga oo ku wareersanaa sababta naagtani ay u matagto mar walbo.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Antonia Terrell waa 28 jir ka soo jeeda koonfurta London, waxa y ku wareertay waxyaabaha mar walbo ku sababa matag joogto ah, iyada oo u tagtay dhaqaatiir badan balse ma aysan helin wax xal ah.

Sida Xaqiiwonews ay ka soo tarjuntay Dailmail, gabadhani ayaa ku sii jirtay xanuun ilaa maalin dambe ay ogaatay in ay qabto xasaasiyad ay ka qaato caanaha shaaha ay ku darsato.

Sidoo Kale Aqriso: Gabar-dusgsi-sare-sanadkan-ka-qalin-jibisay-oo-dhimasheeda-sababsatay-earphone-faafaahin

Antonia ayaa sheegtay in xitaa xanuunkeedani ay ka aadi weysay shaqo, mana ogeyn in waxa ay cabto ay yihiin wax ku keena cudurka.

Antonia ayaa sheegtay in maadda Protein ah oo ku jirta caanaha ay aheyd waxa sababay cudurkeeda, iyadoo intaasi ka dib iska joojisay caanaha, intaasi wixii ka dambeeyey Antonia waxa ay iska weysay cudurkii nafta u keenay ee Mataga.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA