Gabar dhalatay Maalintii Qorax madoobaadka mareekanka#Qiyaas Magacee loo bixiyey?

-

Waxaa laga yaabaa in ay qaadato wax ka badan dhowr bilood laga soo bilaabo maalintii la ogaaday in hooyada uur leedahay ilaa laga gaaro xiliga dhalmada in labada waalid gaaraan go,aan rasmi ah oo ku saabsan magaca loo bixinaayo canuga la filaayo in uu dhasho.

mar marka qaarkood ma ahan arin sahlan in si dhaqso ah loo dooro magaca canuga yar ee dhasha balse waxaa dhacda in mararka qaarkood magac bixinta ay noqoto mid sahlan oo qaadato wax ka yar daqiiqad sida dhawaan ku dhacday laba waalid oo u dhashay wadanka mareekanka kuawaasi oo gabari ay ugu dhalatay gobolka carolina maalintii qorax madoobaadka ee mareekanka.

Labadan waalid oo lagu magacaabo Freedom iyo Michael ayaa durbadiiba gabdhooda siisay magac si sahlan waxaan gabadha cusub loo bixiyey“Eclipse” oo micnaheedu tahay”qorax madoobaad” taasi oo soo jiidatay indhaha saxaafadda.

maalintii isniinta mareekanka ayaa martegeliyey qorax madoobaadkii ugu darnaa ee abid muddo ku siman 100 sanadood, iyadoo qoraxdu ay madoobaatay guud ahaan.

“Eclipse” ayaa ka mdi ah tiro caruur ah oo isla maalintaasi ku dhashay isbtaalka “Greenville” ee gobolka South Carolina kuwaasi oo nasiib u yeeshay in dhalashooda ay ku soo beeganto xasuusta qorax madoobaadka ugu darnaa qarniga.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...