Gabar Karoona Qabtay Oo Dhimatay 2 Daqiiqo, ka Dibna..

-

Gabar 12 jir ah oo ku nool gobolka Louisiana ee Dalka Mareykanka ayaa dhimatay muddo 2 daqiiqo ka dib markii cudurka Karoona uu ku keenay wadna xanuun.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Juliet Daly oo ka soo muuqatay barnaamijka “Good morning America” ee ka baxa telifishinka ABC ayaa ku warantay in ay tagtay dhimasho qarkeed, ka dib markii Fayruska Karoona uu ku sababay “wadno istaag”

Juliet ayaa tiri “calool xanuunkeyga kala joogsi ma laheyn, nolol ma rabin, dhaqaaq ma rabin, wax walbo waa ay joogsan rabeen”.

Dhaqtarkeeda ayaa barnaamijka “Good Morning America” u sheegay in wadna xanuunka gabadhani uu ka dhashay caabuqa fayruska, isaga oo intaasi ku daray “covid-19 wadnaha wuu ku dhaca”.

Juliet hooyadeed ayaa sheegtay in markii gabarteeda wadnaha laga qabanaayey aysan laheyn calaamadaha caanka ee Karoona, sida qandho, qunfac iyo neef qabatin, waxa ayna sheegtay in gabadha ay ka cabaneysay calool xanuun daran.

Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in covid-19 uu keeni karo wadna xanuun gaar ahaan caruurta uu haleelo cudurkan.

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...