Sacuudiga marka la fiiriyo niyadda gabdho badan oo Soomaali ah waxa uu uga dhigan yahay Jannadii aduunka, laakin waligaa ma is weydiisay noolasha gabdhaha sacuudiyaanka ah, gabar gubaneysa ma badbaadin karo qof aan ka aheyn maxramkeeda! gabadha xabsiga ku jirtana xabsi lagama sii deyn karo hadii la waayo Walikeeda.
Xaqiiqonews.com-Wararka dibadda
ka soo qaad gabaryahey in dab xoogan uu kaa soo weeraray dhinac walbo, waxaana dhinac walba kaa hareeyey ololka dabka, adiga oo dhan waxaa ku qariyey qulqulka qiiqa oo cirka isku shareeray, nasiib wanaag waxa aad si kadis ah u maqashay codka baabuurta gurmadka dab damiska , rajadaada ayaa dib u soo laabatay adiga oo caawin ka filaayo ragga dab damiska, laakiin waxaa si lama filaan ah goobta u soo gaaray Hay,addii Al-amru bil macruuf oo raggii dab damiska u diiday in ay ku soo badbaadiyaan! sababtoo ah ragga dab damiska ma ahan maxramkaada , oohinta iyo qeylada kaa soo baxeysana waxaa qariyey codka ragga hey,adda oo soo daliishanaya aayaad qur,aan ah iyo axaadiithta rasuulka SCW si aan adiga laguu soo badbaadin! kaliya waxaad ku qasbantahay in aad ku samirto dabka si meydkaada oo gubtay loogu dhiibo maxramkaada !
Dhacadada kore ma ahan sheeko qiyaali ah, waa arin si dhab u dhacday sanadkii 2002, waxaana dhibaatadani ay ka dhacday dowlad ciwaankeedu yahay “Sacuudiga” taasi oo raggeeda ay si dhab ah u fuliyaan maahmaahdan “gabar god ha kaga jirto ama gunti rageed”.
Boqortooyada Birta
Sacuudiga ayaa ku dhaqmaya falal bir ah oo ka yaabsaday aadamiga, tusaale dalka oo dhan ma laga helaayo gaadiid dadweynaha oo dumar qaadaya ama xitaa mid dumarka u gaar ah, tani waxa ay ku qasabtay dumarka in ay raacaan baabuurtooda gaarka ah oo marmarka qaar uu ku wado qof ajanabi ka ah !
Xilligii nabiga SCW , Xaaskiisa Khadiija waxa ay aheyd ganacsato heer sare ah, nabigana SCW kama diidin shaqadaas waliba waxa uu ku taageeray hal-abuukeeda, geesta kale todobaatameyadii iyo lixdameyadii dumarka sacuudiga waxa ay raaci jireen diyaaradaha iyada oo uusan la socon maxramkeeda, waxaase muuqata in mar walbo dunida horay u dhaqaaqdo in sacuudiga uu gadaal u socdo.