Gabaryahey..Sidee U Soo Jiidan Kartaa Ragga?

-

Ma jiro qof dalqada mindi kaa gelin karo oo ku dhihi karo “Dad ma soo jiidan kartid”, hase ahaate waxa aan raba ayaa waxa ay tahay in warbixintan ay noqoto mid xaqiiqda ku saleysan, diyaar ma u tahay in aad wax badan ka ogaato arimahan?, si quman u aqri qeybta hoose.

Xaqiiqonews.com-

Gabar aan isla shaqeyni jirnay ayaa i weydiisay su,aashan “Ma ahay gabar sooo jiidasho leh? xilligaasi ma heysan aqoon igu filan , waxaan doortay jawaabta ii fududeyd ee dadka la soo boodaan marka la weydiiyo su,aalahan oo kale,  afka ayaan ka dhahay “Haa” waxaane aan tusaale u soo qaatay wajikeeda qurxan, iwm.

Hadda waxaan ogahay wax badan oo ku saabsan “Soo jiidashada”  labada dhinac (rag iyo dumar) waxaan doortay qeybta dumarka maxaa yeelay waxa aan ogahay sida gabadha maskaxdeeda ay ugu soo laablaabato su,aashan  “Sidee ku soo jiitaa ragga?”. hoos waxaa ku qoran qaar ka mid ah qaabab u fududeynaya gabadha in ay noqoto mid soo jiidasho leh, kuwaasi oo ku dhisan khibradeyda shaqi ahaaneed, qaababkani waxa ay u shaqeynayaan qof walbo ma ahan kuwo ku xiran midab ama qaab gaar ah.

Kalsooni aan Laheyn Isla weyni.

Dumar badan ayaa xariif ku ah shaashadaha ka gadaal iyagoo isku qariya taleefoonka gadaashiisa, waxa ayna howsha fashilantaa marka ay timaato kulan ka fool ka fool,  dumarka noocaasi ah waxa ay la dhibaatoonayaan cudur maskaxeedka caanka ah  “Kalsooni darro”

Kalsoonida waa hub aad u culus, waana mid labada dhinacba(rag iyo dumarba) caawineysa,  sidaa darteed waa arin miisaan leh hadii gabadhu ay tahay mid ku kalsooni  muuqaalkeeda, midibkeeda iyo xaaladda ay ku sugan tahay.

Kalsoonida waxa ay wanaagsan tahay marka ay tahay mid ka maran isla-weyni, gabarta sida dhagaxa u taagan marka ay ragga la joogto waa mid soo jiidasho leh.

Kaftanka Dabacsan

Dumar badan ma oga sida kaftan uu u yahay warran xoog leh oo ay u isticmaali karaan qalbiyada ragga, Kaftanka aan ka badbadiska aheyn waxa uu gabadha siiyaa dhibco.

Gabdho badan ayaa u heysta in ragga oo kaliya ay yihiin kuwa wax ka qosliya, waa run waa dhaqanka bulshada in ragga ay yihiin kuwa wax waliba bilaaba, hase ahaate qodobkani  ragga qaar aad waa ay daneeyaan.

Qof kale Ha iska dhigin.

Adiga waa adiga,  ha iska dhiggin qof kale, jooji xirashada waxyaabaha badali kara muuqaalkaada sida indhashareerka, jooji daawada baddali karta muuqaalkaada.

Dadka oo dhan waxa ay xariif ku yihiin in ay ogaadaan waxa aad ka qarineyso, sidaa darteed ha isku dayin in aad wax qariso.

Dadka(rag iyo dumarba) waxa ay jecelyihiin qofka asiga is matala, banaankana keena wax walbo uu yahay, taasi oo soo dadajiso is aaminitaanka.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...