TIKNOOLAJIGabdhaha Dahabka Jecelow.. Iska Fiiriya Tiknooljiyaddan Cusub

Gabdhaha Dahabka Jecelow.. Iska Fiiriya Tiknooljiyaddan Cusub

-

Aqoonyahanno ka tirsan machadka tiknoolajiyadda ee ku yaalla Zurich Switzerland ayaa sameeyey qaab dahab looga soo saari karo balaastikada.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Sida lagu baahiyey websaaytka uu leeyahay machadkan, inkastoo ay badatay dalabka saacadaha iyo jijimaha ka sameysan dahabka, haddana dadka waxa ay ka cabanaayeen dhibka ay kala kulmaan culeyska dahabka.

Aqoonyahanada sameeyey ikhtiraacan cusub ayaa sheegay in ay la yimaadeen xal waare oo qaadashada dahabka ka dhigeysa mid “raaxo ah”.

Baarayaasha ayaa isticmaalay hab dahabka ka dhigeysa mid qafiif ah oo si fudud loo qaadi karo.

Raphael Mizinga ayaa yiri “Dahabkan aan sameynay waxa uu leeyahay astaamo balaastiko, hase yeeshee wili waa dahab rasmi ah, haddii uu dhulka kaga dhaco waa sida balaastikada oo kale”.

Sidoo Kale Aqri..5 shaqo Oo Tiknoolajiyadda Darteed Booska Ka Bixi Doono

Mizinga ayaa intaasi ku daray “Dahabka noocan ah waxaa uu kuu fiicanahy saacadaha, jijimaha, iyo qalabka kale ee lagu labisto, intaasi oo kaliya ma ahee sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa dhamaan qalabyada elektaroonikada ah.”.

Dahabka cusub ayaa la sheegay in 1.7gram uu u dhigmo 15gram oo noocyadii hore ah.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...