Gacantaada Ku Sameyso BirLab-Danabeed “Electromagnet” #Qaabka Ugu Sahlan

La Wadaag Asxaabtaada

Hadii aad jeceshahay in aad wax ka ogaato sida ay u shaqeeyaan Matoorada, kombiyuutarada, faranjeerada, mirwaxadaha iyo xitaa Rimuut kontoroolada(qalabka meel fog laga hago) waa muhiim in aad ku raaxeysaneyso fahan asaasi ah oo ku saabsan sida uu u shaqeeyo Birlabdanabka “Electromagnet”.

Xaqiiqonews.com-Farsamada, Isbar

Waligaa ma aragtay birlab, mise i weydiisay wax ay qabato?

Birlabta waxaa markii ugu horeysay la ogaaday markii dadk ay ogaadeen in qeyb yar oo macdan ah oo dhagax ah ay soo jiidaneyso biraha, waxaana arintaasi dadka ay ka caawisay nidaamka “Jiheeyaha” oo waqtigaasi ka hor ay dadku isticmaali jireen xiddigaha, laakiinse birlabtu waxa ay la timid “Jiheeye”.

Birlabtu waa dabiici(ilaah sameeyeen” hase ahaatee dadku waxa ay heleen qaabab sahlan oo ay ku sameysan karaan Birlab, birlabta fudud ee dadku gacantooda ku sameystaan waaa nooca loo yaqaan  birlabdanab.

Guud ahaan Birlabta waxaa loo qeybiyaa laba nooc oo kala ah:

A)Birlabjoogto: waa birlabta dabiiciga ah, ama ka sameysan qalab dabiici ah, sida magaceeda ka muuqatana birlabnimadeeda waa joogto.

B)Birlabdanab:  noocan birlabta ka mid ah sida magaceeda ka muuqato waxa ay ku shaqeysaa danab(koronto), hadii danab ay waaysana waxa ay lumisaa birlabnimadeeda.

hadii fiilo maar(Copper wire)  ay hesho qulqul danab ah, waxa ay sameysaa badad danab(magnetic field), hadiise fiilo maarta danabka wataa lagu kor duubo gabal bir ah (Iron), birtaasi waxa ay noqotaa birlab waxa ayna soo jiidataa biraha kale.

Dabayaaqadii Qarnigii 19,aad ayaa waxaa  nagu soo biiray birlabdanab,  wixii xilligaasi ka dambeeyayna waxa uu isku sii badalaayey muhiim ilaa la soo gaaray waqtigan isticmaalka qalabkani uu noqday “Lagama maarmaan”.

Qalabkani ayaa hadda aanan loogu maarmin Kombiyuutarada, Matoorada, Mirwaxadaha, wiishaska iyo Sameecadaha, hadii aad rabto wax badan oo intaasi ka baxsan waxaa kugu filan in aad ogaato in Tv-yada, Idaacadaha iyo dhamaan qalabka ku shaqeeya xiriir la,aan “Wireless devices”  sirtu  ay tahay Birlabdanab “Electromagnet”

Intii aan ku guda jiray diyaarinta qormadan, waxaa ii soo baxday in lagama maarmaan ay tahay in sharraxaad ay la socdaan sawirro, mana ii diyaarsana sawirrada sidaa darteed waxaan isticmaalay sawirro laga soo bixiyey Internet-ka,  balse inta si gaar ah u daneeneysa mowduucan waxa aan ugu bishaareynayaa in dhawaan hadii aan  fursad helo in aan sameyn doono muuqaal ku saabsan sameynta qalabka iyo waliba sharaxaad la socoto.

Hadii wili aad sii aqrineyso qormadan, hambalyo !, waxaa aad ku taagan tahay wadadii aad adiga gacantaada ku sameysan laheyd birlabdanab, kaliya raac tilmaamaha.

Qalabka aad u baahantahay

  1. Gabal bir ah ama cad yar oo bir ah (halkani bir waxaa loola jeedaa Iron oo kaliya) 
  2. Fiilo maar ama Nuxaas (Copper Wire) ugu yaraan 50 cm
  3. Bitiri ama qulqul danab ah oo yar (ugu yaraan 1.5V ama ugu badnaan 5V)

   Qaabka Shaqada

Talaabada Kow– fiila maarta ama nuxaasta aad heysato ku duub birta aad heysato- halkani sawirka waxaa la isticmaalaayaa musmaar bir ah, adiga hadii aad isticmaaleyso musmaar raac sawirka, ugu dambeyna marka duubka dhameyso fiilada u soo reeb laba dhamaad oo qiyaastii dhan 2inch, si aad danabka uga xariiriso.

 

Talaabada Labaad- hadii nuxaasta aad isticmaaleyso ay tahay mid dahaaran, ka qaad dahaarka adiga oo sameynaya sida sawirka kaga muuqata.

Talaabada Seddexaad- halkan marka aad joogto, labada dhinac ee aad soo reebtay, islmarkaana aad dahaarka ka qaatay kula xariiri bitiriga aad heysato, si uu u sameyso qulqul koronto, damoo sawirka  hoose:

Talaabada Afaraad- hadda tijaabi qalabka aad sameysay iskuna day in musmaarka duuban ee danabeysay aad taabsiiso bir ma  aragtaa soo jiidasho- haa waa birlab danab waxa aad sameysay, hadda musmaarka waxaa uu soo jiidanayaa bir walbo.

 

Gagabo Muhiim ah.

Hadii aad rabto qaab aad ku kordhin karta awoodda birlabta, waxaad u baahan tahay oo kaliya in aad xoojiso laba meel

-in aad badiso duubka wareegga fiila maarta

-In aad xoojiso danabka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada