Game Sabab u noqday Dhimashada Caruur Badan#Aqriso Faafaahinta Sheekadan

-

Ururada ilaalinta carruurta ee Tunisia ayaa ka  digay khatarta sii kordheysa ee ciyaarta “Xuutka Baluuga ah{Blue whale} taasi oo sababtay  gudaha Tunisa dhimashadii afaraad muddo bil ah gudaheed.

Ciyaarta “Blue Whale”,  ayaa galaafatay Noolasha boqolaal ciyaal oo Ruushka u dhashay ka hor intan aan kansar-ciyaareedkani loo sii gudbin dunida inteeda kale.

Game-kani oo taleefonada lagu shubta ayaa ah game ka kooban 50 qeybood, marka aad dhameyso 49 qeybood,  qeybta 50-aad oo tan ugu danbeysa ee guusha,  ayaa kaliya waxaa kaa xiga in aad is disho.

Algeria, Kuwait iyo Wadanka Labada xaram ee barkeysan ayaa ka mid ah wadamada kale ee laga soo sheegay dhimasha uu sababy Game-kani.

Game-kani ayaa beegsanaya Caruurta Da,dooda u dhaxeysa 12-16, mana loo ogala dadka ciyaartan ciyaara in ay ka baxaan game-ka, waliba qofka arimahaasi isku daya waxaa uu hanjabaad kala kulmayaa kooxda sameysay game-ka, ilaa heer mar marka qaar canuga loogu hanjabo iyadoo la isticmaalayo macluumaadkii uu bxiyey markii uu isdiwaangeliyey, waxaa ugu daran marka loogu hanjabo in la dili doono asiga iyo qoyskiisa hadii uusan sii wadin ciyaarta.

Game-ka Blue Whale waxaa horumariyey Koox Ruush ah, game-kani laguma heli karo  Si Online ah, balse qofka doonaya waxaa uu si toos ah ula xariirayaa Admins-ka.

Waxaa  la rumeeysan yahay in qaabka game-kani la iskugu gubiyo  uu yahay hanaanka loo yaqaan  “webka Madow  (Dark Web)” , iyada oo qofna uusan heynin (cadeyn).

Game-kani ayaa  qaab Virus camal ah u galaya taleefonka, mana jirta waxa daba raac oo lagu sii sameyn karo, iyadoo dib danbane aan looga saarin karin taleefoonka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...