Gantaal Casri ah Oo Haleelay Waqooyiga Talaabiib…Waxaa Soo Socda Ayaa Ka Daran

-

Gantaal laga tuuray Marinka Ghaza ayaa haleelay goob ka tirsan waqooyiga magaalada Talaabiib oo caasimad u ah yahuudda, taasi oo noqotay horumar cusub oo kooxaha Falastiiniyiinta ay ka sameeyeen Awoodahooda xagga hubka.

Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Bisha Maarso waxa ay noqotay taariikh dahabi ah oo ay diwaangashadeen carabta, waxaana abaalka iska leh gantaalka cusub kaasi oo aan aheyn ciyaar ciyaar iyo wax la dhayalsan karo.

Gantaalkan ayaa ka dhuuntay raadeerada iyo qalabka difaaca cirka ee Israa’iil, waxa uuna gaaray hadafkiisa si heersare ah, taasi oo ka dhigan in gantaalkan cusub ay u furanyihiin albaabada, mana jirto goob ka caagan.

Gantaalkan Cusub ayaa wata magaca “Jacbari 80”, waxaana gantaalkan loogu magac daray Axmed Jacbari kaasi oo la dilay sanadkii 2012, gantaalkan ayaa gaari kara 120 km, waxaala sheegay in  laga gamay magaalada Rafax oo dhacda koonfurta Marinka.

Gantaalkii Talaabiib ayaa  “Af bilow” u noqonaya quraac dufin leh oo soo socota, waxaaba laga yaabaa in gantaalkan dartiis malaayiin reer Israa’iil ay raadiyaan gabaadyo cusub oo ay ku nabad helaan.

Waxaan ka soo tarjunay Cabdi-baari Cudwaan/Website-ka  raialyoum

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...