Gantaal Noocee Ah Ayey Alshabaab Ku Sameeyeen Gudaha Soomaaliya?

La Wadaag Asxaabtaada

Saciid cabdulle Dilib oo la hadlay barnaamijka galka baarista ee idaacadda Codka Mareykanka VOA-da ayaa sheegay in kooxda alshabaab ay niyeysteen sidii ay ku soo saari lahaayeen gantaalo.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Saciid Dilib ayaa Voa-da u sheegay in kooxda Alshabaab ay qaraxyada uga soo dagaan xeebaha Puntland, islmarkaana kooxdu ay dibadda kala soo dagto bududa qaraxyada.

“waxyaabaha ay ka niqaasheen waxaa ka mid ah, sidii ay u sameyn lahaayeen gantaal” ayuu yiri Dilib oo sheegay in Alshabaab ay leeyihiin koox lagu magacaabo “Sinaaca” kuwaasi oo sameeyey isku dayo ka baxsan sameynta qaraxyada.

Sidoo Kale Aqri..Alshabaab Hub Miyey Sameyn Rabaan..Amiirkooda Ayaa Ka Jawaabay

Alshabaab ayaa ku fikiray sidii ay ku horumarin lahaayeen gantaal isticmaalaya “Rocket Power” hase yeeshee fikradaasi ayaa noqatay “hal bacaad lagu lisay” ka dib markii duqeyn lagu dilay sarkaalkii lahaa fikradda sameynta gantaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray “Ibraahin anta anta”.

Ka hor inta aan la dilin Anta anta, ayuu sheegay Dilib in kooxda ay tijaabisay gantaal balse fikraddu ay socon weysay madaama dhib badan ay kala kulmeen caqabadda “Xakameynta”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada