Gantaalada Dhulka Hoostiisa Ka Soo Baxa..Maxaan Kala Soconaa Hubkani?

La Wadaag Asxaabtaada

Dhoola tus loogu magac daray “Rasuulka Weyn SCW”, oo noqonaya kii 14, aad oo noociisa ah oo ay qabato ilaalada gacaanka Islaamiga ee Iiiraan, ayey Iiraan dhawaan soo bandhigtay.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Amiir Cali Xaaji Zaada oo ah hoogaamiyaha ciidanka cirka iyo hawada ee Iiraan ayaa ayaa yiri “gantaalahani ayaa ah kuwa noocoodu aan horay loo aqoon, gantaalka dhulka ayuu ka soo baxayaa, waxaa uuna si toos ah u abaarayaa bartilmaameedka”.

Gantaaladani oo qeyb ka ahaa dhoola tuska ‘Rasuulka Weyn” ee ay qabtaan Kacaan Iiraan, ayaa lagu tilmaamay in yihiin kuwii ugu horeeyey dunida oo dhan oo noocooda ah kuwaasi oo ka soo baxa dhulka hoostiisa.

Sidoo Kale Aqri..Qoraalkani Ayaa Ku qornaa Gantaal Mareykanka Ku Duqeeyeen J/dhexe.

Waxaa kale oo dhoolatuska qeyb ka ahaa diyaaradaha drones-ka ee Shaahid 181 iyo Muhaajir, kuwaasi oo la arkaayey iyaga oo burburinaya bartilmaameedyo macmal ah.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey dhoolatuskan, sarkaal u hadlay wasaaradda dibadda Mareykanka ayaa dhoolatuska iyo burburinta bartilmaameedyada macmalka ah ku tilmaamay “mas’uuliyad darro”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada