Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa sheegay in Ruushku uu sameeyay diyaarad cusub oo nukliyeer ah taasi oo leh awood “aan xadidneyn” iyadoo awood u leh in ay ciribtirto nidaamyada difaaca hawada.
Madaxweynaha ayaa Waxa kale oo uu sheegay in Ruushku uu soo saaray “gantaal” awood u leh in xambaaro madaxyo si Xawaare Sare leh.
Putin ayaa u jilba xeedanaya in dib loo soo doorto doorashooyinka dhici doono bartamaha bishan Maarso,waxaa uuna doonayaa in uu dadweynaha u muujiyo quwad hogaamineed.
Khudbadii khamiistu waxay ahayd munaasabad loogu talagalay madaxweynaha Ruushka si uu u muujiyo farsamooyinka waddanka ee tiknoolajiyada militariga.
“Ruushka ayaa weli leh awoodda ugu weyn ee nukliyeerka adduunka, laakiin cidi ma na dhagaysato, “ayuu yiri. Madaxweynaha isagoo sii raaciyey “”Dhegeyso hadda”.
Putin ayaa Mareykanka kaga naxsaday hadalkiisa ah “In la sameeyo hub u biibaya sida “Nayaazikta {meteorite}” waxa ay micnaheedu tahay horumar Millatiri oo cusub.”
Putin Ayaa yiri”Waxa ay noqon doontaa mid ficil ahaan la isku halleyn karo,” waxuu sii daba dhigay “Xawaaraha wuxuu noqon doonaa mid ka dheereeya codka ” taasi oo afka ingiriiska lagu yiraahdo Hypersonic.
Hypersonic waxaa xawaare jaraya 3,836 Miles /saacad walba taasi oo u dhiganta 6138 km/saacad walba.
“Qorsheeynta habka istiraatiijiga ah ee gantaal qaatay magaca ah “Avangard” , ayaa noqatay jawaab wax ku ool ah oo ku socota Hanaanka difaaca Madaafiicyada ee Maraykanka,” ayuu yiri Sergio Karakayev oo ah taliyaha ciidmada Madaafiicda ee Ruushka
waxa uu intaasi ku daray, “Tijaabada gantaalkan si guul leh ayaa loo dhammeeyey.”
Si kastaba ha ahaate Ruushka ayaa soo bandhigay teknoolijiyaddan cusub,iyadoo maalmo oo kaliya ay ka harsanyihiin doorashooyinka dalkaasi ka dhici doono.