Gariiga oo soo Bandhigaya Wajiga Gabar Nooleyd 7000 oo Sano Ka hor

-

Culimada Griiga ayaa soo celiyey qaab dhismaha wajiga gabadhii reer Griig ee lagu magacaabi jiray “Don” oo nooleyd todobo kun oo sano ka hor casrigii dhagaxaanta.

qorshaha dhismaha wajigan ayaa ah sidii dadka loo tusi ahaa qaabkii ay u egaayeen dadkii noolaa watigaasi, sidaasi waxaa qortay wakaalada ‘Reuters.

Warbxin lagu qoray ‘Reuters islmarkaana ay soo tarjuntay shabakadda xaqiiqonews ayaa sheegeysa in kooxda gacanta kula jirta baaritaan cilmiyeedkan in uu hogaaminaayo ustaadka qaabilsan toosinta ilkaha islamrkaana ka howlgala jaamacada Athens Manolis, ustaadkaasi oo lagu magacaabo Baba Grikurakis.

Baba Grikurakis ayaa tijaabadiisa u isticmaalay curiyaha Silicon oo lagu qasay dhoobo waxaana wajiga uu sameeyey uu ka kooban yahay 26 muruq.

“Don” ayaa marka ay dhimaneysay waxa ay jirtay 15 sano ilaa 19 sano. ka dib markii baritaan lagu sameeyey lafaheeda iyo ilkaheeda.

Gabadhu waxaa laga yaabaa in ay haysatay dhiig la’aan iyo niyadjab, cilmi-baarayaasha ayaa sidaas sheegay.

Caddaynta ayaa sidoo kale muujisay inay la dhibtoonaysay dhibaatooyin xagga kala goysyada, taasoo laga yaabo in ay ka qeyb qaadatay dhimashadeeda.

Lafaha Don ee qalfoofka ah waxaa laga helay god sanadka markuu ahaa 1993-kii , sababta magacan ay u qaadatayna waxa aheyd iyadoo loo arkaayey waqtigaasi waqtigii soo ifbixita Ilbaxnimada.

Wajiga Don ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa Matxafka Acropolis ee ku yaala magaalada Athens ee dalka Griiga.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...