Gedo..Alshabaab yey La Safanyihiin DF-ka Mise Kenya?

Afhayeenka Al-shabaab shiikh Cali Dheere oo todobaadkani jeediyey kalimad hadal ah ayaa ka hadlay mowqifka Alshabaab ee ku aadan Kenya iyo goboladda Waqooyi Berri.


Xaqiiqonews-Wararka

Shiikh Cali dheere ayaa fariin u diray Soomalida Waqooyi Berri isagoo sheegay in Alshabaab ay u taagantahay in dadkaasi ay ka xoreyso waxa uu ugu yeeray “gaalada Kenya”.

Cali Dheere ayaa xaaladda Kenya ku tilmaamay mid “rafasho ah” waxa uuna Soomaalida iyo guud ahaan muslimiinta ugu digay in ay la saftaan Kenya, waxa uuna ku micneeyey qof “aan muslim aheyn” qof alle iyo qofkii la safta Kenya.

Kalimaddan Cusub ee Cali dheere ayaa imaaneysa xilli gobolada xadka Kenya iyo Soomaaliya ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa ciidanka Jubbland oo garab ka helaya Kenya iyo dhankooda ciidanka DF-ka oo dhan ah iyo Al-shabaab oo dhan kale ah.

Halkan Ka Dhageyso Codka Cali Dheere

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA