Go,aanka DonaldTrump… Iyo Soo deg degista Carada Ilaah !(Warbixin Faafaafsan)

-

Warbixin uu qoray qoraaga caanka ah ee carbeed ee lagu magacaabo Dr Cabdi-casiis kaamil ayaa Si dheer kaga hadashay waxa uu ka dhigan yahay Mowqifka Trump ee Qudus warbixinta oo ay soo tarjuntay shabkadda xaqiiqonews waxa ay u qorneed sida tan:

“Waxaa laga maarmaan ah in ay ogaadaan jiilalka hadda jooga in yahuudeynta Qudus ay ka fogtahay sida ay u maleynayaan dad badan runtii waa muhiim in la fahmo in yahuudeynta qudus ay tahay caqiido ay aaminsanyihiin yahuuda waxeyna agtooda ka tahay taariikh mustaqbal oo aad u fog.

Yahuudeyna qudus ujeedkeeda ma ahan in safaarad loo raro ama in la dumiyo masaajid oo laga dhiso kaniisad iwm,balse arinkan ayaa salka ku haaya caqiido iyo diin soo jireen ah oo yahuuda u qoran taasi oo ka bilaabaneysa qabsashada falastiin kuna soo dhamaaneysa qabsashada aduunka oo dhan, iyadoo loo sii maraayo in la yahuudeeyo qudus ka dibna la yahuudeyo falatiin oo dhan si loo dhiso waxa loogu yeero “dowladda weyn ee isra’il” taasi oo marka danbana noqon doonto boqortooyada Masiixi taasi oo ka ka dhalaneysa faracii Nabi Daa’uud iyo maalintii ay u ku magacaabaan (maalintii carada !).

Trump ma uusan jabin Is raaca kirishtanka balse waxa uu waalidiisa ku cabiray waxa ay aaminsanyihiin yahuuda iyo karishtanka oo ah soo laabashada masiix ee qudus si halkaasi ay noqoto caasimada dowladiisa si caalamka oo dhan loogu xakumo magaalada “Yeruusaalem”(qudus).

Inkastoo Karishtanka ay aaminsanyihiin in ninka la sugaayo soo laabashidiisa aakhiru Samanka uu yahay Nabi Ciise CSW hase ahaate dhankooda yahuuda ayaa aaminsan in uu imaan doono nabi iyaga u gaar ah balse labaduba waxa ay isku raacsanyihiin in loo diyaar garoowa imaanshahaas waxeyna aaminsanyihiin seddexdan qodob ee hoose sida ku quran kitaabadooda:

1-in yahuuda ay soo ceshato falastiin halkaasna laga dhiso dowlad yahuuda daacad u ah waana dhacday !

2-in qudus oo dhan ay yahuuda gacantooda ku soo celiyaan halkaasna ay ka dhigaan caasimad waana arinta hadda socota !

3- in ay dhisaan Heygalka Suleymaan Masjidka Al-aqsaa dhaxiida Waana Arin loo baahanyahay in muslimiinta ay ka hortagaan iyagoo ilaah kaashanaya si aysan u dhicin arintaa !

Arinta ugu badan ee aan rumeysanahay ayaa waxa ay tahay in yahuuda aysan dib u dhigin duminta masjidul al-aqsaa marka laga reebo waxa an ka aheyn in ay sugayeen waqtigan oo kale oo yahuuda ay aamineen in ay salka u siibeen islaamiyiita iyo guud ahaan muslimiinta oo dhan wax kaliya ee la sugaya ayaa ah in yahuuda ay gowracaan saca gaduudan ee tobanaad oo sida aay aaminsanyihiin loo baahanyahay in lagu gowraco qudus waana sac sida uqr,aanka sheegay jaalo ah ama gaduudan midib furan leh isla markaana soo jiidanaya dadka daawanaya waana sida ku qoran sharciga yahuuda ee lagu magacaabo “Sharciga Abadiga ah”.

balse su,aasha i weydiinta mudan ayaa waxa ay tahay ma waxaan ku noolnahay Waqti ay madax noqdeen dadkii lo,da iyo dibiga caabudi jiray? !!!

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...