WARARKAGo'aanka Federaalka Miyuu Ku Filan yahay Kenya in Ay...

Go’aanka Federaalka Miyuu Ku Filan yahay Kenya in Ay Fahamto ujeedka?

-

Df-ka Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Kenya kaga naxsatay go’aanka cusub ee la doonaayo in u hogaansamaan muwaadiniinta dalkaasi ee u soo safraya Soomaaliya.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Sida ku cad warqad Df-ka ka soo baxday, qof ku safraya baasaboorka Kenyaanka ee doonaya in uu u soo safro Soomaaliya waxa uu ku qasbanyahay in uu viso dal ku gal ah ka soo qaato safaaradaha Soomaaliya ee caalamka Ku yaalla.

Go’aanka ayaa imaanaya xilli Df-ka horay go’aan mamnuucis ah uga soo saartay jaadkii ka imaan jiray Kenya, sidoo kale go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriir labada dal uu madmadow galay markii Kenya ay fara gelisay arimaha doorashada Soomaaliya.

Arinta ugu muhiimsan waxa ay tahay go’aankan waxa uu yimid xilli safiiradii labada dal ay wada tashi ugu kala maqanyihiin dalalkooda.

Sidee Kenya u fahamsantahay go’aanadan?

Kenya ilaa hadda ma fahansana fariinta, sababtuna waxa ay tahay Kenya waxa ay go’aanada u aragta kuwa gaar u ah Farmaajo, umana aragto go’aano ay leedahay dowladda Soomaliya.

Waxyaabaha sii siyaadinaya fahan xumida Kenya waa go’aanada barbaryaaca ah ee ka soo baxay mucaaradka.

Df-ka waxa ay mar walbo horay u qaadeysaa tallaabo is muujin ah, laakiin Kenya waxa ay u muuqataa mid dhaxda u xiratay dagaal ka dhan ah nin ay u aqoonsantahay “hogaamiyaha ruuxiga ee bariga afrika”

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...