Go’aanka Midowga Afrika ee Arinta Taiwan-Somaliland

-

Webseetka Indepedent ee ka soo baxa Koonfur Afrika ayaa xiriirka Somaliland iyo Taiwan ku tilmaamay mid xumeynaya wadamada midowga Afrika.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Dhamaan wadamada ka tirsan midowga Afrika waxa ay horay xiriirka ugu jareen Taiwan, marka laga reebo boqortooyada Eswatini.

Somaliland waxa ay ka soo dhax baxday riximka dagaaladii sokeeyey ee Soomaaliya sida lagu qoray warbixinta lagu daabacay Indepedent online.

Marka la eego dooda qoraaga, intaas oo dhan waxaa ku muhiimsan, dhoolatuska siyaasadeed ee Taiwan waxa uu caro gelinayaa Soomaaliya, Shiinaha iyo midowga Afrika.

Sidoo Kale Aqri..Maxaa Xalaal Ka Ah Taiwan Oo Aasiya Dhan Laga Ogoleyn?

Hogaamiyaasha Hargeysa ku sugan waa in ay xisaabta ku darsadaan, in dhaqaaqani xikmad la’aanta ah ka sii fogeeynaayo wadamada Afrika oo ay Somaliland u baahneyd si ay ugu saacideen ictrifkeeda ayuu yiri Monyae  oo ka tirsan jaamacadda Johannesburg ee Koonfur Afrika.

Dhanka kale qoraaga ayaa xiriirkan cusub ku sifeeyey “mid liidaya” Afrika, waxa uuna tusaale u soo qaatay hadii xiriirkani sii socda sida Somaliland ay iskugu badali doonto garoon martigelin doono dagaalka qabow ee Shiinaha iyo Mareykanka.

Madaama Soomaaliya ay soo hagaageyso, waxaa kor u kacay hamigeeda ku saabsan in ay ilaashato midnimadeeda, sidaa darteed Taipei iyo Hargeysa waa in ay ka digtoonaadaan waxa ka imaan kara xiriirkoodani ugubka ah, kaasi oo labadooduba ku sababi kara in ay ku khasaaraan ciyaartooda ay ku raadinayaa Aqoonsiga.

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...