Go’aanka Saqda Dhexe!

La Wadaag Asxaabtaada

Df-ka Soomaaliya abbare kowdii habeenimo 1:40am, waxa ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Dalka Kenya, go’aankaasi ayaana yimid xilli Kenya uu booqasho ku joogo hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.


XAQIIQO NEWS- WARARKA

Xiisadda ayaa soo socotay muddo badan, hase ahaatee iminka waxa ay u muuqataa in ay gaartay “barako maleh”, xiisadda oo ka soo bilaabatay muranka baddaa ayaa saameysay ganacsigii khaadka, doorashooyinka Soomaaliya iyo diblomaasiyadii labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta mudane Dubbe ayaa Telefishinka ka hor aqriyey go’aanka Df-ka ee ka qaadatay diblomaasiyiinta Dowladda Kenya oo ah in dalka ay uga baxaan muddo todobaad ah, laakiin wasiirka waxa uu sheegay in go’aanka uusan saameyn ku yeelan doonin shacabka Kenya ee gudaha Soomaaliya ku nool.

Go’aankan waxa uu yimid xilli Df-ka ay ciidamo hor leh iyo gadiid dagaal ay ku xoojisay ciidanka ku sugan xaduudda Dalka Soomaaliya uu leeyahay Kenya, goob joogayaal ku sugan Gedo ayaa sheegay in ay arkeen baabuurta nooca gaashaaman ee Turkiga sameeyey oo laga soo dejiyey diyaarado.

“Waa go’aan cabsi leh, maxaa loola sugi waayey inta ay qoraxda ka soo baxdo” ayuu yiri mid ka ahaa Kenyaanka fikirkooda ka dhiibtay go’aanka dowladda Soomaaliya

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada