Gobolka Ugu Biyaha Badan Soomaaliya Waxaa Ka Jirta Biya La’aan!

-

Abaar ba’an ayaa laga soo warinayaa guud ahaan Jubbaland gaar ahaan Jubbada hoose abaarta ayaana galaafatay duunyada, waxaana laga cabsi qabaa xaalad musiibo in ay halkaasi ka dhacdo haddii aysan isbadalin sida uu hadda xaalka yahay.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Abaartan oo guud ahaan ku dhafatay dalalka geeska Afrika ayaa si gaar ah u saameysay Soomaaliya, waxaana biya la’aanta ugu badan hadda laga soo tabinayaa gobolka Jubbada Hoose.

Muuqaal la soo geliyey baraha bulshada kaasi oo ciwaan looga dhigay “baaxadda abaarta” ayaa lagu arkaayaa xaywaanka duurjooga ah ee loo yaqaan baciidka oo cunta la’aan iyo biyo la’aan la ruqday, waxaana muuqaalka dhaxdiisa dadku ay siinayaan biyo.

Baaxada saamaynta abaarta ka jirta jubada Hoose khaas ahaan aaga Kismayo waxaa kici waayay Biciidkii.Ilaahow na soo qabooji.

Posted by Abdirizak Haret Hussein on Thursday, 11 November 2021

Dhanka kale xoolaleey deegaanka ayaa hadda dalbanaya biyo iyo cunto ay tooda u cunaan, waxaana dadka ay ka quusteen in badbaado ay u helaan xoolahooda oo mid mid uga dhimanaya duurka.

Abaarta Gobolka Jubbada Hoose

Gobolka Jubbada Hoose, waxaa ka taagan abaar ba'an oo saamaysay noloshii reer miyiga; Muuqaalkan hoose qofka koobaad ee hadlaya waa Cabdi Mahad oo lahaa 180 neef oo Lo'o ah maantana waxaa u nool keliya 30 neef qaar kamida ka fadhiyaan. Fadlan haddii aad awooddo caawinta dadkaas ka qayb qaado.

Posted by Abdishukri Haybe on Friday, 12 November 2021

Gobolka jubbada Hoose ee hadda abaarta ugu daran ka cabanayaa ayaa ahaa halka ay ku nooleyd ugaarta iyo duurjoogta ugu badan Soomaaliya, waxaana gobolka mara wabiga ugu biyaha badan dalka, halka gobolkaasi uu lahaa biya xireenada ugu badan dalka, biya xireenadaas oo burburka ka hor loo isticmaali jiray in duurjoogta looga ilaalilaya haajiritaanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...