Hees..Golaha Badbaadada Yaa Iyaga Dalka Ka Badbaadinaya!

La Wadaag Asxaabtaada

waxaan wataa hees aan doonaayo in aad aad ila dhageysto si aad uga jawaabto su’aashan : Hadii loo baahdo in goloha badbaadada iyaga dalka laga badbaadiyo yaa ka badbaadinaya?


XAQIIQO NEWS- FIKRDAHA

Ma jiraa qof naga mid ah oo daawaday ama looga sheegeyey riqaayaddii shabeel nagood, oo aysan jiidan jiilnka xiisaha badnaa ee abwanaadii Soomaaliyeed hibadooda ku muujiyeen.

Ma jira qof naga mid ah oo ku baraarugay heestii dhaxtaalka riwaayadda ee erayadeeda ay ka midka ahaayeen “:waa su’aal da’weynoo madaxa daalineysee”.

Riwaayadda guud ahaan gaar ahaan heesta waxa ay si hufan noogu sawireysaa xaalad murugsan, oo qofkii xalka laga sugaayey uu yahay kii wax qaribaayey.

Heesta dhexdeeda fanaanku waxa uu is weydiinayaa madaama dabku uu yahay kii la diirsan lahaa marka ay dhaxan timaado, haddaba maxaa xal hadii dabkii laftiisa uu dhaxan dareemo.

Dabcan waa su’aalda’weynoo madaxa daalineysaa, sida abwaanku sheegeyna su’ashaas iyo su’aalaha kale oo dhan ee heesta ku jira waa kua qarsoon oo si dhab yar aan la garan karin.

Hadii la ii siiyo fursad aan hal jumlad ku dhihi karo si aan uga hadlo xaaladda taagan waxaan dhihi lahaa “ha nagala badbaadiyo” hadiise la iisiyo fursad aan laba kalmadood ku dhihi karo waxaan ku dari lahaa “ha nagala badbaadiyo golaha badbaada”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada