Golaha shacabka oo birito arinta qalbi dhaagax ku balansan iyo xukuumada oo qorsha ku dagaty

-

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa kulan uu maanta yeeshay ku go’aamiyay in berri oo Arbaco ah la qaban doono ay fadhi uu yeelanayo Baarlamaanka,isla maraana qodobada laga doodayana uu ka mid noqon doono arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbidhagax.

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga joogtada ah uu ku wargeliyay xildhibaanada baarlamaanka iyadoo loo direy dhammaan xildhibaanada fariimo loogu sheegayo in ay ka soo qeybgalaan kulankan.

Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid muhiim ah iyadoo arrinta Qalbidhagax ay noqotay mid xasaasi ah kadib markii dhowaan Golaha Wasiirada kulan ay yeesheen ay dowlada ku qiratay inay u gacan gelisay Cabdikariin Cumar Maxamed Qalbidhagax.

Kulkan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa kooram la’aan u baaqday iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku eedeeyeen dowlada inay ka dambeysay in kulankaas uu baaqdo.

Hase yeeshee, kulan ay shalay yeesheen Senatarada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay arrinta ka doodista Cabdikarin qalbidhagax,hase yeeshee cod loo qaaday ayaa dib loogu dhigey arrinta Qalbidhagax.

Dowlada Federalka ayaa culeys weyn ku noqday arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbi dhagax iyadoo ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay u gacan gelinta dowlad Ethiopia sarkaalkan ka tirsanaa ururka ONLF.

Khilaafka ka dhashay Cabdikariin Qalbidhagax ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadka soo socda lagu wado in ra’iisal wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgalayo shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Maraykanka xukuumada ayaa ku dadaaleysi malmihii danbe sida lagu qancin lahaa xildhibanada arintaan sida aadka ugu dhaganaa iyada oo qaarkood loo sheegay in iskku shaadheynata soo socoto lagu soo darayo liiska waziirada.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...