Goobaha Farmaajo Uu Booqon Doono Hadii Uu Somaliland Tago

Warar hoose oo la soo dusiyey ayaa shaaca ka qaaday safar “mar la arag ah” oo Lagu wado in Madaxweyne Farmaajo uu ka tago Hargeysa.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Safarkan hadii uu run noqdo, Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo booqasho ku tago Hargeysa, tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday waxa loogu yeero “gooni-isku taaga”.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa aad ugu kala qeybsan safarka, Feysal Cali Waraabe ayaana hogaanka u haaya dadka diidan “safarkan” isagoo safarkani ku sifeeyey mid meel ku dhac ku ah Somaliland.

Sidoo Kale Aqri..Todobaadkii Ugu Fiicnaa Ee Farmaajo

Hadii Farmaajo uu cagaha la helo Somaliland, waxaa suuragal ah in booqashadiisa aysan noqon mid ku eg Hargeysa Oo kaliya, waxa ayna falanqeeyaasha sadaalinayaan in Farmaajo uu safar lug ah ku mari doono Magaalooyinka Burco, Barbara iyo Boorama, taasi oo wax badan u egaan doonta safarkii Madaxweynaha ee Gobolada Puntland iyo Galmudug.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA