Google Ka dib..Dunida oo u guureysa internet-ka Cusub ee “Blockchain” !

La Wadaag Asxaabtaada

Mustaqbalka dhaw, waliba si dhaqso ah ineternet-ka cusub ayaa  meesha ka saari doono tiknoolajiyada weyn ee google, maxaa yeelay isticmaalayaasha waxa ay doonayaan in ay helaan meel macluumaadkooda si gaar ah ugu keydin karta, sida ay aaminsanyihiin khubarada ganacsiga iyo tiknoolajiyadda.

 Xaqiiqonews.com-Tiknoolaji

Cilmi-baaraha caanka ah ahna khabiir ganacsi George Gilder ayaa aaminsan in tiknoolajiyadda“BlockChain” ay bedeli doonto Google, isaga  oo ku doodaya in dadka isticmaalayaasha ah  ay rabaan  meel nabadgelyo dheeraad ah iyo asturnaan siineysa macluumaadkooda shakhsiyeed, sababtoo ah waxaa la  rumaysan yahay in Google uu noqday “Beer weyn oo ganacsi lacag gurasho ah oo kaliya”

Goulder waxa uu aaminsanyahay in maalin un google uu meesha ka bixi doono , dhanka kalase  waxaa sii baraaraya mashruucyada internet-ka , laakin baraarahan cusub ayaa ka badalnaan doono qaabkii loogu bartay internet-ka tan iyo soo if bixistiisa.

Goulder ayaa arimahan oo dhan ku faafaahiyey buuggiisa caanka ah ee “nolasha google ka dib” waxa uuna sheegay in hadii ay dhaqan gasho tiknoolajiyaddan cusub in websiteyada iyo baloogyada wararka ay aqristayaadhooda kula socon doonaan habka “Ujra bixinta” taasi oo meesha ka saareysa baahida loo qabo xayiisiinta googele-ka “google adsence”.

Waxa uu intaasi raaciyey “tiknoolajiyadda Blockchain  waxa ay adeegsadaha u saarta gelin doontaa in uu ka soo baxsado “Beerta weyn ee lacagta(google”

buugga Goulder ee “hantida iyo faqriga” Oo soo baxay 1981  ayaa daliil u noqday siyaasadii dhaqaale ee madaxweynihii Ameerika Ronald Reagan oo qoray buugga “Noolasha Tv ka dib”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada