Google Oo Kismaayo Ku Tilmaamay Xarunta Alshabaab!

Alshabaab oo sidoo kale loogu yeero “Xarakada mujaahdiinta Alshabaab” waa koox mayal adag oo fadhigoodu yahay barriga Afrika.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Kooxdani oo la aasaasay sanadkii 2006, ayaa waxaa dadkii asaasay ka mid ah hogaamiyaha waqtigan ee Jubbland Axmed Madoobe,kooxdan ayaa sanadkii 2012 sheegatay in ay ku biireen urur weynaha Alqaacidda.

Dad badan oo ku kala nool daafaha dunida kuwaasi oo google-ka ka raadiyey magaca Alshabaab ayaa waxa ay yaab ku noqday macluumaadka google uu bixinaya oo ah in Kismaayo ay tahay xarunta Alshabaab iyadoo aan ka war qabno in magaalada ay Maamulaan ciidanka Kenya iyo Jubbland.

Sawirka hoose waxa aan ka soo qaadnay google-ka gaar ahaan qeybta macluumaadka shirkadaha, ganacsatada iyo Ururada ee loo yaqaan “Google Knowledge Panel”

Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Df-ka ayaa madaxda DF-ka uga digay in ay booqdaan Kismaayo oo sida uu sheegay xarun u ah Alshabaab isaga oo Axmed ku tilmaamay garab ka mid ah Alshabaab.

Sidoo kale Aqriso: Jeesow “Farmaajo-waxa-uu-ku-sigtay-in-uu-alshabaab-gacanta-u-galo”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA