Goormaa La Filayaa In Dagaalka Yukrayn Iyo Ruushka Meel U Dhaco?

-

Inkastoo ay jirto iska caabinta bashariga ah ee reer Yukrayn, ugu dambeyn waxaa la filayaa in dagaalka Yukrayn uu ku dambeyn doono qaabka uu jecelyahay Ruushka- waa sida ay saadaaliyeen khubarro miltari oo reer Galbeed ah.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Iyada oo aan meesha laga saari karin farqiga weyn ee dhanka hubka iyo saanadda ee u dhaxeeya Ruushka iyo Yukrayn, ayaa haddana waxa ay khubarrada reer galbeedka ku raja weynyihiin in dagaalku daba dheeraado iyaga oo fiirinaayo iska caabinta bashariga ah ee xoogga leh ee reer Yukrayn iyo waxa ay ugu yeereen “dhaqaaqa caajiska ah ee Ruushka”.

Ruushka, tan iyo bilowgii dagaalka waxa uu ku adkeysanayaa eray bixintiisa, waxa ayna ku soo celceliyaan doonistooda ku saabsan in ay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidanka Yukrayn ,iyaga oo dhaq dhaqaqyada Ruushka ee gudaha Yukrayn ugu magac daray “Howlgal miltari oo gaar ah”.

Ruushka waxaa uu la kulmay cunuqabateyntii ugu balaarneed abid ee reer Galbeed dal ku soo rogaan, waxaana meelaha cunuqabateynta saameysay ka mid ah Madaxweynaha Ruushka Putin iyo ragga labeenta Ruushka ah ee afka qalaad lagu yiraahdo “oligarch”.

Yukrayn ayaa ah garabka ugu badan ee wajahaya khasaaraha ugu darran ee naf iyo maadiba isagu jira, laakiin reer galbeed uma muuqato waxa aan ka aheyn in la sii daba dheereeyo dagaalka Yukrayn, waxa ayna kaalmo hub u badan siinayaan reer Yukrayn, iyaga oo dhanka kale si ku talagal ah u carqaladeynaya isku day walbo oo diblomaasiyadeed.

Warkii oo kooban, Mareykanka isaga oo eeganaya dano jiiyo-siyaasadeed (geopolitical interests) iyo dano shakhsiyadeed oo gaar ah waxa ay doonayaa in ay daba dheereeyaan dagaalka kaasi oo aan si dhab ah loo qeexi karin natiijadiisa.

Inkastoo Mareykanka gaar ahaan maamulka hadda jooga ee Biden uu u xamaasadeysan yahay daba dheereynta dagaalka, dhankooda midowga Yurub waxa ay farta ku haayaan wadanaha. Dagaalka oo sii socdana waxa uu keeni karaa kala qeybsanaan iyo kala aragti duwanaan soo wajahado waxa loogu yeero “Midowga Yurub”.

Ruushka kama fikir duwana midowga yurub marka ay timaado muddeynta sii socoshada dagaalka, hase ahaatee khubarrada waxa ay aaminsanyihiin in Mooskow ay khibrad dhabar adeeg ah u leedahay dagaalada daba dheeraado ee deriska lala galo, waa arinta gacanta sare siin karta Ruushka hadii uu sii socda dagaalka bilooyinka ama xitaa sanadaha soo socda.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...