Goormuu Karoona Ka Dhamaanayaa Somaaliya Iyo Dunida Oo Dhan

Wali wax badan lagama oga mustaqbalka Karoona, Sadaasha la sameeyey dalalka aad ayey ugu kala duwanaayeen, dalalka qaarna waxaaba laga baqayaa in xaalku uu ku daba dheeraado.


Xaqiiqonews-Saynis-Caafimaad

Saraakiisha caafimaad ayaa aaminsan in ay jirto su’aal muhiim ah oo jawaabteedu ay go’aamin karto sii jiritaanka cudurka, “suuragal ma tahay in cudurkani loo helo talaal?

Dabcan hadii talaal la helo, khubarada ayaa aaminsan in cudurka lagu soo afjari doono waqti yar, hadiise la helin daawo ama talaal mowduuca xigga waxa uu noqonayaa sida looga hortago cudurka, qaabka karantiilka iyo hab dhaqanka Bulshada.

Sidoo Kale Aqri..Sababtan Darteed Ha Ka Cabsan Karoona..Laakiin

Dalalka ku guuleysta in ay helaan hanaan karantiil oo haboon, tusaale hadii qof uu ku dhaco cudurka , laguna guuleysto in laga ilaaliya xubnaha kale ee qoyska in uu cudurka u gudba, waxaa suura gal ah in cudurka qaab fudud lagu soo af-jaro.

Hab dhaqanka bulshada ayaa iyaduna saameyn ku leh soo af-jaridda cudurka, dhaqaatiirta ayaa aaminsan in kala fogaanshaha bulshada ay qeyb weyn ka qaadan karto in cudurka ku soo dhamaada waqti yar.

Ugu dambeyn, saraakiisha caafimaad ayaa aaminsan in aysan jirin “waqti xadidan” oo loo qaban karo dhamaanshaha cudurka, waxa ayna dalbanayaan in dowladaha iyo bulshooyinka ay iska kaashadaan sidii loo xakameyn lahaa cudurka.

Halkani riix..Si Aaad U aragto Wararka Muhiimka Ah ee Bogga hore

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA