Goorta Uu Bilaabanaayo Ramadaanka Oo La Shaaciyey

La Wadaag Asxaabtaada

Xubin ka tiran machadka cir-bixinta iyo xiddigiska ee midwoga carabta ninka lagu magacaabo Ibrahim Al-Jarwan ayaa sheegay in bilashada bisha Ramadaan ay noqon doonto maalinta talaadada ee ku beegan 13-ka bisha April ee hadda socota.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay xarunta caalamiga ah ee xiddigiska, inta ugu badan dowladaha aduunka waxaa laga arki doonaa bisha Ramadaan maalinta isniinta ah oo ah 29-ka shacbaan 1442 H oo ku beegan 12-ka April, halka shacbaan uu soo bilowday maalin isniin ah 15-ka Maarso 2021.

Waddamada bisha maalinkaas laga arki doona waxaa ka mid ah: Soomaaliya Indonesia, Malaysia, Brunei, Iran, Cumaan, Imaaraatka, Sacuudiga , Suuriya, Liibiya, Algeria, Morocco iyo Mauritania.

Sida ay xuseyso xarunta wadamadan bisha ay bilan doonto 12-ka Aril macquul ma ahan in bisha lagu arko isha oo qaawan, sidaa darteed waxaa bisha lagu arki doonaa oo kaliya Talescope.

Hadii Ramadaanka uu noqdo 13-ka April, bilasha ciidda ayaa noqon doonto maalin Khamiis ah oo ku aadan 13-ka bisha May ee soo socota, sidaas ayaana la filayaa in Ramadaanku noqon doon 30 maalmood oo buuxda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada