Guddoomiye kuxigeena cusub oo loo magacaabaya Gobolka Banaadir

-

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in la magacaabay Guddoomiye kuxigeenada cusub ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo bedeli doona Kuxigeenadii horay u joogay, iyadoo ay soo dhamaadeen wada tashiyadii la xiriiray magacaabista.

Sida ay sheegayaan wararka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa gacanta loo geliyay warqada magacaabista, iyadoo durbaba ay soo baxayaan shaqsiyaadka loo magacaabay xilalka kuxigeenada.

Ilo ku dhow dhow Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta illaa berri kama dmabeys lagu dhawaaqi doono xubnaha Kuxigeenada cusub ee bedeli doona kuwii hore.

Saddexda kuxigeen ee uu yeelanayo mid ka mid ah ayaa la sheegay inay tahay haweeney ka shaqeysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddoomiye kuxigeenadii horay u joogay ee kala ah Iimaan Nuur Iikar, Maxamed Axmed Diiriye iyo Ismaaciil Cabdi Guure ayaa lagu bedeli doono xubno ay isku heyb yihiin.

Shaqsiyaadka lagu bedeli doono oo aan magacyadooda oo dhameystiran helin ayaa lagu kala magacaabaa C/fataax oo bedeli doona Maxamed Axmed Diiriye, Maxamed Saalax oo isna bedeli doona Ismaaciil Cabdi Guure iyo gabar magaceeda lagu soo gaabiyay Maluuka oo iyana bedeli doonta Iimaan Nuur Iikar.

Is bedel lagu sameynayo kuxigeenadii hore ayay ku xiran tahay shaqada Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo doonaya inuu la jaan-qaado mas’uuliyiin cusub, isla markaana Gobolka uu ka baxo xaalada cakirnaanta ee xaga dhaqaalaha, kaddib markii horay loo xayiray Akoonkii Gobolka

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...