Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qirtay in 30-daqiiqo uu ooynayay markii uu maqlay in xilka laga qaaday.
Sida shabakadda Xaqiiqonews ay ka soo xigatay Website-ka Warqaad, Wariyaal ayaa ku booqday Guddoomiyaha guriga,wariyaasha ayaa sheegay in si hoose uu ugu sheekeeyay,islamarkaana uu sheegay in ooyinta aysan ka keenin xil jaceyl balse uu damacsanaa maalmaha iyo bilaha soo socda in mashaariic dhowr ah oo uu heshiiskooda uu soo galay Muqdisho ka fuliyo.
Guddoomiye Thaabit oo isagoo markii wariyaasha u waramayay ilmo ku soo istaagayeen indhihiisa ayaa sheegay 25-ka bishan oo maanta ku beegan uu damacsanaa inuu fulo heshiis caalami ah uu la soo galay Dowladda Talyaaniga oo ahaa in Nalal ifiya magaalada la wado geliyo Muqdisho si kor loogu qaado ganacsiga xilliyada habeenkii ah.
Sidoo kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa balan qaaday inuu sii wado inta ay nafta ku jirto caawinta dadka maasaakiinta ah ee daruufaha u run sheegtay,haddii xitaa haddii uusan xil qaban.
Ugu danbeyntii,Guddoomiyihii xilka laga qaaday Guddoomiye Thaabit ayaa balan qaaday inuu la shaqeyn doono Maamulka cusub ee Gobolka banaaddir.