[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Guddoomiyha xila laga qaaday balse aan weli wareejin Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa la sheegay in Magaalada Muqdisho uu ka wado arrin layaab leh oo ay ka mid tahay Kala saarida Hantida Qaranka ee diiwaanka ku jirta iyo kuwo ku keed sanaa Xafiiskiisa.
Guddoomiye Madaale ayaa la sheegay in Goob gaar ah uu ku keydinayo Hanti isugu jirta gaadiid ciidan Busas iyo gawaari kale oo nooca raaxada ah balse ka mid ah hantida Magaca Dowlada Maamulka Gobolka uu ku helay.
Illlo wareedo arrimahan si gaar ah isha ugu hayo ayaa tilmaamaya in Maalmaha yar ee xilka uga haray Yuusuf Madaale uu ku kala saarayo islamarkaana uu kaga faa iideysanayo maadaama isaga xilka laga qaaday.
Waxaa fududeenta howshan la wada Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale shaqsiyaad ka tirsan Maamulkiisa oo ka mid ah kuwii isagu uu shaqada keenay markii xilka Guddoomiyenimo loo magacaabay.
Gudoomiyaha Magacaaban Ee Taabit Cabdi Maxamed ayaa dalka safar uga maqan waxaana la filayaa in dhowaan uu xilka Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho uu kala wareego Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo isagu xilkii laga qaaday.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
Gudoomiyihii G/benaadir ee xilka laga qaaday oo muqdisho ka bilaabay…………
-