Hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb xarunta Galmudug.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Dad badan ayaa guusha Cabdiraxmaan uu arkay in ay qeyb ka noqon doonto isku dheeli tirnaanta baarlamaanka 11’aad oo qaabka xubnihiisa loo soo xulaya ay ka muuqatay mid hal dhinac u raran.
Sidoo kale xubnaha mucaaradka qaarkood ayaa guusha CCW uga dhigantahay guul siyaasadeed iyo waran wadnaha kaga mudan kooxda N&N.
Marka laga soo tago dabaal degga mucaaradka, soo bixista CCW waxa ay qeyb ka tahay tobanaan xildhibaano ah kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu soo baxay kursiga xildhibaanimo inkastoo wili farta lagu godaayo hanaanka daahfurnaanta qaabka soo xulista.
Kursiga uu ku soo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame aya waxaa horay ugu fadhiyey Saciid Nuur Giriish , oo isaga haray doorashada hadda socota.
Qaab uu ku soo baxay CCW , wax badan kama duwaneen qaabkii loo soo doortay xildhibaanadii isaga ka horeeyey, waxaana u tanaasushay Naciima Xuseen oo kursiga kula tartameysay.