Guusha Erdogan Oo Noqotay Gantaal Qaaradaha iskaga gudbay !

La Wadaag Asxaabtaada

Guusha Racip Dayip Erdogan ma aheyn oo kaliya mid  ay gaareen Xisbiga cadaaladda iyo Horumarka, ee waxa ay aheyd guul xasaasi ah oo saameyn ku leheyd gobolka, iyo guud ahaan aduunka.

Xaqiiqonews-Wararka

wax ka badan 52% ayuu erdogan ku guuleystay guud ahaan codadkii la tiriyey, waxeyna aheyd doorasho si weyn dunida ugu kala qeybsanaa.

“dimuqaraadiya ayaa guuleysatay, dadka ayaa guuleystay, Turkiga ayaa guuleystay” Erdogan ayaa ereyadan ka hor jeediyey dad iskugu soo baxay caasimadda Ankara.

64 jirkan  ayaa guushiisa ka dib, waxaa uu helay fariimo hambalyo ah oo ka soo gaartay qaar ka mid ah madaxda dunida, Madaxweynaha Somaliya Mudane Maxamed cabdulaahi farmaajo ayaana ka mid ahaa madaxdii hambalyada gaarsiisay Erdogan.

Erdogan ayaa maamulaayey waddanka Turkiya muddo ku siman 15 sano,  isagoo soo qabtay xilka Ra,iisal wasaarenimo iyo xilka madaxweynenimo.

Warbaahinta Galbeedka ayaa si caajis ah kaga hadlay guusha Erdogan, balse badalkeed warbaahinta Soomaalida iyo Kuwa carabta qaar sida Qadar ayaa wax weyn ku tilmaamay guusha Erdogan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada