Dood badan ayaa ka dhalatay muuqaal uu soo duubay nin Sacuudiyaan ah,isagoo fariin taageero ah u diray Ciidanka Isra’iil ee duqeynta ka wada Ghaza.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Muuqaalkani oo lagu duubay caasimadda sacuudiga ee Riyadh ayaa waxaa ka soo muuqanaya nin lagu magacaabo Maxamed Sacuud, waxa uu ninkani ciidanka Israa’iil ku bogaadiyey duqeynta ay u geysanayaan waxa uu ku tilmaamay “argagixisada”.
Sidoo Kale Aqri.Gabaryahey..Hadii Aad Sacuudiyaan Ahaan Laheyd..Sidan Ayaa Kugu dhici Laheyd..aqriso masiirkaada
Maxamed Sacuud ayaa yiri
“Muwadininiinta Yahuudow, aniga waxaan joogaa Sacuudiga waxa aan idinku duceynayaa in aad ka guuleysataan Agagixisada, aniga waxa aan taageersanahay Dowladda Israa’iil iyo shacabkeed Yahuudda, Dowladda Israa’iil iyo Netanyahu waxa aan ugu duceynayaa in ay ka guuleystaan argigixisada”.