Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Xasan Shiikh ayaa noqonaya madaxweynihii 10,aad ee dalka ka dib doorasho waqtigeeda ka dib dhacday oo lagu qabtay aagga ciidamada shisheeyaha ay waardiyeyaan ee Afisyooni.
Xasan Shiikh ayaa wareegii seddexaad codad aad u tiro badan kaga guuleystay Farmaajo oo isaga ah madaxweynihii ka horeeyey.
Xasan Shiikh oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey taariikhda ee mar labaad xukunka dib ugu guuleysta doorasha dhacday ka dib, ayaa waxyaabaha horyaalla waxaa ka mid ah, xalinta khilaafyo siyaasadeed, cadaalad u helidda dacwado iyo kiisas muran badan ka dhashay iyo isku soo dhaweynta kala aragti duwanaanta baahday ee uu ka tagay xukunkii isaga ka horeeyey.