H. Kooxeed Caana ah Oo Qarka U Saaran In Uu noqodo Madaxweynaha K. Galbeed

La Wadaag Asxaabtaada

Shariif Sakiin oo dib loo doortaa waxa ay k. Galbeed uga dhigan tahay “Taariikh madow” balse in Aadan Saransoor La doortaa waxa ay la micno tahay “Toban sano oo dib loo laabtay”, labo arin oo kii ugu magaacaanaaba qaraar yahay ayaa hortaal K. Galbeed.

Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha.

Waxaa Bilowday olole ballaaran oo lagu doonayo cid kastaa inay iyadu hesho Guusha Hogaaminta Maamulka KGS Soomaaliya.

Siyaasiga Aadan Maxamed Nuur (Saran soor) ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu isku soo sharxo Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo doorashadeeda dhawaan dhaceyso.

Aadan Saran soor waxa uu ahaa Hogaamiye Kooxeed ika tirsanaa Maleeshiyaadkii  Rahanweyn Resistance Army  (RRA).

Aadan Saran soor ayaa saaxiib dhaw lahaa Xasan Maxamed Nuur Shaati guduud iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo labaduba geeriyoodeen sanado ka hor.

Hadda waxaa uu doonayaa Hogaamiye Kooxeed hore inuu hogaan u noqdo Shacabka Koonfur Galbeed,iyadoo Hogaamiye Kooxeedyo Hore ay Xilal ka hayaan Dawlada sida Qaar Aqalka Sare Mudanayaal u ah.

Golaha Bad baadada Koonfur Galbeed oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa Shahaadada Murashaxnimo gudoonsiiyey Aadan Saran soor isna uu aqbalay murashaxnimadaasi.

Murashax Aadan Saran soor ayaa waxa uu sheegay in Dib Xaflad la qaban doono uu kaga hadlayo Arimaha uu qaban doono,hadii la doorto.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada