Ha Guursan Gabar Waxbaratay..Talo Dood Badan Dhalisay

-

Beryihii u dambeysay waxaa baraha bulshada qabsaday dood ka dhalatay Talo ama waano lagu baahiyey bog facebook carbeed oo ay ku xeranyihiin in ka badan 282 kun oo qof.


Xaqiiqonews-Baraha Bulshada

Ninka dhalinyarada ee waanada muranka badan dhalisay qoray waxaa lagu magacaabaa Ilyas al khariisi, waxa uuna ku magac dheeryahay shiikh saar.

Shiikh saar oo ka soo jeeda wadanka Marooko, ayaa qoray in ragga guursada dumarka wax bartay, ay halis ugu jiraan “fashil qoys”, guusha waxa ay raacday qofkii helaa naag aan waxba baran-waa sida uu aaminsanyahaye.

Waxa uu intaasi sii raaciyey “ma jeceshahay in aad caruurtaada hooyo fiican u doorto?naag waxbarasho heersare ka gaartay oo banaan u baxeysa ilmahaada hooyo uma noqon karta 99%”.

Qoraalkani muranka badan dhaliyey ayaa intaasi ku daray “hadii aad guursato noocaas, waxa aad ku socotoo qar iska xoornimo, waxa aadna ku qamaareysaa 1%, nasiib wacan ayaan kuu rajeynayaa”.

Sidoo Kale Aqri..Tv-ga Kuuriyada Koonfureed Oo Kulansiyey Hooyo iyo Gabarteeda Dhimatay

Inkastoo ninkani uu asluubeeyey qoraalkiisa lagu tilmaamay “mid gabdhaha u gafaya”, balse dad badan ayaa jawaab ka soo bixiyey “taladadan xasaasiga ah”, gaar ahaan waxa ay ku doodeen in waanadani ay ka hor imaaneysa xaqa ay gabdhuhu u leeyihiin in ay wax bartaan, ayna shaqeystaan.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...