Haben Madow Oo Puntlnad U galay ! ..Iyo Ciidamada Somaliland OO Garowe Ku Siqay

-

War cawaa soo gaaray Shabakadda xaqiiqonews ayaa sheegaya in deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool xaaladdiisu ay tahay mid kacsan,islamarkaana suurta gal ay tahay in saacad walba uu dagaal dhaco maadama Labadan Ciidan wali is hor fadhiyaan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney cabsi xooggan ay dareemayaan,taasi oo ku aadan in mar kale lagu kor dagaalamo.

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo dirirta dhexmartay ayaa warbaahinta hadalo kulul isku mariyay,taasi oo saacad kasta xiisada ka sii dari karto.

Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay ineysan waxba ku qaadaneyn qabsashada magaalada Garowe dagaalkana uu ku lug leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Garowe.

Mas’uuliyiin iyo dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada maamulka ‘Somaliland’ ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Tukaraq oo sanadadii lasoo dhaafay ay maamulayeen ciidamada ‘Puntland’, deegaankan istiraatiijiga ah oo ay marto waddo laami ah waxaa maalmo ka hor booqday wasiirka qorsheynata Dowladda Federaalka.

Sidloo kale ilo wareedyo laga helay Jiidda dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Hargeysa ay gacanta ku dhigeen tuulooyinka Farayaale iyo Godqaboobe oo qiyaastii 65KM ujira magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ahna fadhiga rasmiga ah ee maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee wamaa markii ugu horeysay ee ciidanka Somaliland ay Horumar balaaran ka sameeyaan jiida hore ee dagaalka waxeyna arintani ku soo aadeeysaa xilli Madaxweyne Farmaajo uu safar ku maraayo deeganada Puntland.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...