Khubarro ka tirsan xarunta “Sleep cycle center” ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay noqon karto calaamad digniin ka bixineysa halis qarsoon oo qofka uu wajahaayo huradada dhaxdeeda.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
khubarrada ayaa tilmaamay in maskaxda bani’aadamka iyada oo isticmaaleysa qeybta hoose ee miyirka (subconscious) ay nidaamineyso calaamadaha muuqda, waxaana arintaasi ay ku muujin kartaa riyo ahaan.
Xarunta SCC (sleep cycle center) waxa ay digniin ku bixineysa qofka hadii uu isku arko riyooyinkan in ay tahay watigii uu wici lahaa dhaqtarkiisa si loo qiimeeyo xaaladdiisa caafimaad.
Cudurka Hurda Xumada ( Sleep Apnea)
Hurada xumada (Sleep apnea) waa cudur sababa in qofka ay ximaan hawada mareenada inta hurdaayo taasi oo sababeysa in qofka uu ku soo kaco isaga oo neefta ku xirantahay.
Sida ay ku doodeyso xarunta SCC qofka oo ku riyooda riyooyinka cabsida leh ama qarowga cabsida leh sida qofka oo ku riyooda isaga oo ku mashoonaya biyo ama ku neefqabtimaya hawada waxa ay noqon kartaa calaamad muujin karta qofka in uu qabo Hurdo Xumo (Sleep Apnea).
Hurda xumada ayaa ka mid ah cudurada ugu caansan ee saameeya hurdada qofka, iyada oo daraasadaha ay sheegayaan in cudurkan ay qabaan dad gaaray 18 milyan oo qof Ameerikaan ah.
Sida khubarrada ay leeyihiin dad badan kama qar qabaan in ay qabaan hurda xumada, waxa ayna soo jeedinayaan in riyooyinkan qarowga ay qofka ku baraarujin karaa jiritaanka cudurkan.
Daraasad hore oo lagu daabacay Journal of Clinical Sleep Medicine ayaa baahisay in dadka qaba cudurkan hurda xumada ay ku riyoodaan riyooyinka cabsi iyo qarow leh in ka badan dadka kale.