Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

-

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub oo dhawaan la sameeyey. Qolka oo layr leh xitaa kuwa casriga ah ee iftiinka gaaban waxa ay jirkeena ku sababi karaan xaalado caafimaad oo halis ah.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Cilmi baaris la sameeyey bishii Maarso ee sanadkan , koox dhalinyarro ah oo ku jirta da’aadda labaatameeyada ayaa laba habeen la jiifiyey qolal hurdo oo sheybaar ah, qeyb ka mid ah waxaa la jiifiyey qolal iftiin leh, halka kuwa kalane la jiifiyey qolal mugdi oo isha farta ha i gelin ah.

Ka qeybgalayaasha waxaa lagu xiray qalab lagula soconaayo tayada hurdada iyo caafimaadkooda.

Natiijada ayaa shaaca ka qaatay in hal habeen oo qofka uu ku hurday qol leh iftiin gaaban ay sababtay daciif ku yimid gulugooska iyo gaabis ku yimid xididada iyo haamaha wadnaha la shaqeeya.

Sidoo Kale Aqri: Caafimaad Ahaan..Xagee Fiican In Habeenkii Taleefoonka La Dhigo?

Waxaa intaasi dheereyd kor u kac ku yimid garaacista wadanaha iyo waxyaabo kale oo xiriir la leh dhiig karka.

Hab xumi u shaqeynta dheef-shiidka kimikeed ee jirkeena iyo dacfiga ku yimaado gulugooska waa waxyaabaha ugu badan ee sababa xanuunada wadnaha la xariira.

Dr Feelas Zee (Phyllis Zee), oo ah dhaqtarkii diyaarisay cilmi baarista ahna agaasimaha xarunta Northwestern University Feinberg School of Medicine waxa ay leedahay “iftiinka gaaban xitaa waxaa uu ka gudbay xinribiha isha, waxa uuna qasay hurdada xilli oo ka qeyb galayaasha ay hurdaayeen indhahooda oo laaban”.

Maxaa La Sameeyaa?

Dhaqtar Zee waxa ay soo jeedisay in dadku ay fiiro gaar ah u yeeshaan qolalka jiifkooda. Iyada oo tiri “layrarka qolka ee aan muhiimka aheyn iska dami, lana soco nooca layr ee qolkaada ku jira”.

Waxa ay intaasi ku dartay “hadii layrku muhiim u yahay badqabkaada, bedel midibka layrka” waxa ayna soo jeedisay layr buluug ah ama gaduud ah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...