In Loo Safro Waqti la soo dhaafay oo la ogaado wixii dhacay waa wax aan dhici karin, laakin in loo safro Mustaqbalka waa sheeko wax yar ka duwan, waxaana arinkani loo tixgeliyaa mid ka mid ah mucjisooyinka Fisikiska.
Xaqiiqonews.com-Sayniska
Sanadkii 2009, Saynisyahankii geeriyooday ee Britain Stephen Hawkin ayaa sheegay in uu xaflad u qabtay dadka sheega in yihiin “Dadka waqtiga ku safra” wuxuuna yiri waxaan qeybiyey waraaqaha casumaadda sanad ka dib, balse wax marti ah kama soo qeyb galin.
In loo safro waqtigii la soo dhaafay waa wax aan dhici karin, xitaa hadii ay aheyd waxa dhici karay Hawkin iyo saaxibadiisa waxa ay aaminsan yihiin in aysan dhici karin qof in uu safro waqti ka horeeyey xilligii uu isaga dhashay.
Hase yeeshee in loo safro waqti soo socda(Mustabal) waa sheeko ka duwan tan kore.
Dabcan dhamaanteen waxa aan nahay kuwa ku safra waqtiga(Time Travellers) waxa aan ka soo safarnay waqtigii la soo dhaafay qiyaasta aan ku soconayna waxa ay aheyd saacad walbo in aan saacadeeda qaadano(hour per hour).
Hase yeeshee sida wabiyada oo kale qulqulka waxa uu ku socdaa xawaarayaal kala duwan, hadaba sayniska ayaa aaminsan habab dhowr ah oo aan ugu safri karno mustaqbalka si deg deg ah.
Xawaare– tani waa habka ugu fudud ee ay aamin karaan dadka barta sayniska, ma ahan waxa la iska qiyaasaya balse fisikis yahanada ayaa sameeyey tijaabo cabir laga qaadan karo, iyadoo la isticmaalaya laba saacadood oo atoomik ah (saacad ka mid ah waxaa la saaray diyaarad biibaysa, tan kalane waxaa la dhigay guri dhulka ah) ka dib fisikyahanada ayaa sheegay in saacadii saarneyd diyaaradda ay ku socotay xawaare ka hooseeya tii dhulka tiilay-Sabtuna waa xwaaraha.
Tusaale dadkii ku safray dayax gacmeed ku safray hawada sare kuna socday xawaare dhan 90% xawaaraha iftiinka waxa ay arkeen in watiga uu ku socday xawaare 2.5 mar ka hooseeyey waqtigii caadiga ee dhulka.
Caf-isjiidka- qaabkan labaad waxaa dhiirigeliyey Albert Einstein, marka la fiiriyo aragtidiisa “general relativity” waxeyna aragtidan leedahay, intiiba uu qofka u dhawaada cuf iskjiidka dhulka ayuu dareemayaa watiga socoshadiisa oo hoos u dhacday.
markale tijaabadan waa mid la sameeyey, sanadkii 2010 fisikis yahanada Machadka Tiknoolajiyadda ee Mareykanka (NIST) ayaa laba saacadood oo atoomik ah dul saaray istifaalo mid ayaa 33 centi metre ka sareysay tan kale, waxaana la cibray xaddiga garaacistooda, tii hooseysay ayaa garaaceysay si ka hooseysa tan kale- Sababtuna waa cuf-isjiidka dhulka.
Saynisyahanada ayaa raadinaya habab badan oo suuragal ka dhiga kara in loo safro mustaqbalka waxaana ka mid ah shaqooyinka miiska saaran in la isticmaala iftiinka iyo in xubnaha jirka shaqada laga joohiya waqti gaaban.
In shaqo laga joojiya jir waa arin ka baxsan guud ahaan Farsamada casriga ah,balse saynisyahanada ayaa isku dayaya xitaa in la helo saacado shaqo joojin ah , hase yeeshee tijaabooyin lagu sameeyey idaha iyo doofaarada ayaa ku soo dhamaatay guul-darro wuxuuna habkani u muuqdaa mid aan ku shaqeyneynin noolayaasha.