Hadii aad ku nooshahay magaalooyinka waaweyn ee dunida sida Newyork ama Los Angeles xitaa London waxaa jira gantaal Nukliyeer ah oo Dhankaaga u soo jeeda- sida uu sheegaayo Brian Toon oo muddo 35 sano baranaayey cilmi ku saabsan dagaalada nukliyeerka.
XAQIIQO NEWS- WARARKA
Inkastoo wili aysan todobaad u buuxsamin Dagaalka ka socda Yukrayn, waxaa kor u kacay suurtagalnimada in dagaalkan uu dhali karo musiibooyin waaweyn oo dunida ka dhaca sida musiibooyin dhaqaale ama xitaa weeraro nukiilyeer.
In nukliyeer la iskugu goodiyo ma ahan wax cusub, hase ahaatee dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee uu sameeyey madaxweyne Putin waxa ay dunida istaajisay afaafka hore ee waxa loogu yeero “Qiyaamaha Nukliyeerka”.
Haddaba, sidee dunida u muuqan kartaa daqiiqadaha uu dhacaayo weerarka Nukliyeer? maxaa xigga weerar nukliyeer ah ka dib? halkani waxa aan uga hadleynaa oo kaliya “lacala hadii” iyo saameeynta ka dhalaneysa guud ahaan adduunka.
Daqiiqadaha Koowaad Ee Dagaal Nukliyeer ah
Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putiin waxa goor sii hore warbaahinta u sheegay waxa dhacaya haddii dalkiisa lagu soo qaado weerar nukliyeer.
Putin waxa uu tilmaamay in ay noqon doonaan “shuhudo jannada ku jira” isaga oo intaasi ku daray in cadawgiisa aysan jirin doonin meel ay uga baxsadaan jawaab nukliyeer ayna dhiman doonaan iyaga oo fulayo iyo dambiilayaal ah, madaama aysan heli doonin fursad ay ku towbad keenaan.
Ma arkeysaa Putin waxa uu ka hadlayaa “jawaab celin atomaatik ah”, gantaalka oo isticmaalaya dayax gacmeedyada iyo dareemayaal danabeysan waxa uu ogaanayaa in weerar lagu soo qaaday ka dibna waxa uu bixinayaa jawaab atomaatik ah.
“jawaab celinta atoomatikada ah” waa sida ay u sameysanyihiin inta badan hubka nukliyeerka, taasina waa sababta khubarrada nukliyeerka ay meesha ugu saaraan in cid ay guuleysato marka laga hadlaayo “dagaal nukliyeer”.
Hadii uu bilowda weerar nukliyeer ah, waxaa bartilmaameedka koowaad noqon kara magaalooyinka waaweyn,magaalooyinka warshdaha iyo xarumaha miltariga, daqiiqadaha koowaad gudahoodna qiiq iyo carro ayaa isku milmaya ka hor inta aysan qarxin maadada sunta danbeysan ee loo yaqaaan “Radiation poisoning”.
Dhowr nooc ayuu hubka nukliyeerka ah u gumaadi karaa dadka, dadka qaar waxa ay ku dhimanayaan qaraxa koowaad xitaa iyaga oo aan ogaanin waxa ku dhacay, dadka qaar waxaa dili kara dhismayaasha dumaya baabuurta duuleysa iyo holaca, halka dadka badbaadayna ay halis ugu jiraan sunta shucaaca nukliyeerka oo hawada dhan wasaqeyneysa, cuntada,dhulka,biyaha wax waliba waxa gaaraya shucaaca sumeysan.
Dadka Badbaaday
Xitaa hubka sida ba’an wax u gumaada marka la isku adeegsado, mar walbo waxaa jira dad badbaadaya waa marka ay soomaalida tiraahda “hebel dabada ayuu tin ku leeyahay”, marka aan ka hadleyno qof ka badbaaday weerar nukliyeer waxaa laga wadaa qof ka badbaaday qaraxa koowaad, holaca iyo burburka ka dhalanaya laakiin xasuusnow qofkaasi waxa uu wili qatar ugu jiraa waxa loo yaqaan “cawaaqbita nukliyeerka”, sida shucaaca sumeysan, cunta la’aan biyo la’aan iyo cimilada oo xumaata.
Marka laga soo tago qasaaraha dhinac walb ah ee nukliyeerka uu u geysanaayo goobta lagu dhuftay, sidee buu noqonayaa dhinaca kale adduunka kuwaasi oo ka fog goobta nukliyeerka ku dhacay?
Brian Toon oo muddo 35 sano ah baranaayey cilmiga dagaalka nukliyeerka waxa uu leeyahay qiiqa nukliyeerka waxa uu ku faafayaa adduunka oo dhan muddo 10 maalin gudahood isaga oo xanibi kara arraga qoraxda, taasi oo keeneysa isabadal xagga cimilada gaar ahaan qabow daran iyo dhirta oo weysa nidaamka cuntada ay ku sameysata ee loo yaqaan fotosantisis kaasi oo qoraxda ku shaqeeya.
Marka uu dhammaado dagaal nukliyeer dunida waxa ay u muuqan doontaa bilow, waxaana burburaya xadaaraddii, dadka dhulka ku noolna waxa ay la noolaan doonaan abaaro, roob la’aan iyo qabow.
