Hadii dumarka Sacuudiga Loo Fasaxay Baabuur Wadista.. Willi Waxbaa Loo Ogoleyn !

-

Arimo caadi ka ah dunida, ayaa shacabka sacuudiga dhaxdooda waxa ay ka tahay wax cajiib ah, 30 sano oo codsiyo is daba joog ah ay sameynayeen Hay,adaha Xaquul Insaanka, ayaa hadda waxaa la ogolaaday baabuur wadista dumarka, balse dumarka waxbey tabayaan.

Xaqiiqonews-wararka 

Inkastoo la iclaamiyey in dumarka loo ogalaaday baabuur wadista, hayeeshee waxa ay askarta xireen bishii la soo dhaafay ee May iyo bishan Juun, in ka badan tobonaan dumar ah oo la sheegay in ay u doodaan xaquuqda dumarka, waxeyn dowladda ku eedeysay in ay la shaqeeyaan gacmo ajaanibb ah.

Yoolka ay doonayaan dumarka sacuudiga ee ah in ay la sintaan ragga, waa waddo qodxo ku goglanyihiin, ragga ayaa ah hagaha noolasha dumarka sacuudiga, waxyaabaha aan loo ogeleyn dumarka sacuudiga hadda waxaa ka mid ah in ay furtaan Akoon Banki,sidoo kale looma ogola in ay qaataan baasaboor, intaasi oo ay dheertahay in aan la ogoleyn in ay dalka ka tagaan ama waxbarasho aadan iyada oo aan la soconin Nin walikeeda ah.

Marka la fiiriyo Warbixin uu soo saaray website-ka caalamiga ah ee dhaqaalaha sanadkii 2017, ayaa waxa ay tilmaameysaa in dumarka sacuudiga ay ka galeen kaalinta 138, ku dhawaad 144 dal oo la qiimeeyey faqooqa dumarka lagu sameeyo ee wadamadaasi.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...