Internet-ka WaayarLeska waa caawiye naga saacida in aan daalacano bogaga Internetka, sidaas oo ay tahay waxaa uu dhanka kale xambarsaanyahay qatar ay tahay in aan ku baraarugsanaano.
Xaqiiqonews-Tiknoolaji
Ka dib markii “Daily Mail” ay la yeelatay wareysi qabiir ku takhasusay Jabshasada “Hacking” waxa ay hoosta ka xariiqday in shabakadaha meel danta guud laga isticmaalo ee Wi-Fi aysan aheyn kuwa aamin ah.
Waxaa suurtagal in loo dhaco macluumaadka iyo taleefonada dadka, si fudud, iyadoo la adeegsanaayo Shabakadaha Caamka ah ee “Wi-Fi”.
Sidoo Kale Aqriso: Digniin-dadka-isticmaala-face-app-halis-ayaad-ku-jirtaan-waa-tan-sababta
Colin Tancard oo ah khabiirka la hadlay Daily mail ayaa sheegay sidan “Si, aad uga fogaato in aad dhibane u noqoto tuugada Interner-ka, waxaa lagula dardarmayaa dadka in ay is daayaan adeegsiga shabakadaha caamka ah ee “Wi-Fi” sida hoteelada iyo meelaha kafateeriyada.