TIKNOOLAJIHalisyo Cusub Oo Laga Soo Sheegay Isticmaalka Taleefoonada Caqliga...

Halisyo Cusub Oo Laga Soo Sheegay Isticmaalka Taleefoonada Caqliga leh “Smartphones”

-

Wili waxaa si isdaba joog ah u soo baxaya daraasadaha ku saabsan waxyeelada taleefoonada caqliga leh ee loo yaqaan “Smartphones” waxana digniinihii ugu dambeeyey soo saaray machad Sweden laga leeyahay oo baaritaan ku sameeyey qalabkan.

Xaqiiqonews-Technology

Daraasadda uu soo saaray machadkan ayaa waxa ay tilmaameysaa in Iftiinka taleefonadan ay ku yeeshaan saameyn xun xasuusta qofka.

Cilmi-baarayaashu waxay daraasad ku sameeyeen xiriirka ka dhexeeya shucaac  (RF-EMF) ee taleefannada casriga ah iyo xasuusta , waxayna ogaadeen in isticmaalka qalabkan muddo 12 bilood gudaheeda,  ay raad xun ku reebtay  maskaxda dhallinyaro da’doodu tahay 12 ilaa 17 sano.

Sida xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Wargeyska theMirror ee ingiriiska ka soo baxa  daraasadda ayaa waxaa ka qeyb galay 700 oo kuray iyo kashaanti isugu jira, waxeyna socotay muddo sanad ah oo kaliya la baarayey hadii iftiinka taleefoonada caqliga leh uu saameyn ku yeelanaayo xasuusta iyo inkale.

Sida laga soo xigtay natiijooyinka, shucaaca gelaya dhegta isticmaalaha taleefanka ayaa sababi karta cillad xusuus ah  sida lagu ogaaday baaritaanka lagu sameeyey gabdhaha iyo wiilashada daraasadda ka qeyb qaatay.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...