Waxaan qiyaasayaa in aad horay go’aansatay in aad buugaag aqriso, laakiin aadan wili kala furin xitaa hal bog, ama waxa ay u badan tahay in aad wax aqrisatay laakiin aadan helin faa’idadii loo baahnaa, ha ka walwalin labada marba, qormadani waxa ay kuu soo gudbin doontaa nuqul kooban oo ka mid ah 2 buug oo aad muhiim u ah.
XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA-NAFTA
Qormadani waa tii ugu dheereyd e aan qoro, sidaa darteed waxa aan kuu soo jeedin lahaa in aad horay u soo qaadato koobkaada shaaha ama kafeyga ah, iyo in aad raadsato meel dagan oo aan aqriska kaa carqaldeyneynin.
1. La Soo Bax Awoodaada, Waqtiyada Adag.

Qoraaga David Viscott, waxa uu buuggani ku sharxayaa arin dadka oo dhan ay wadaagaan oo ah raadinta “farxadda”, hase ahaate waxa uu na leeyahay ka jooga “farxadda ma ahan hadaf la raadiyo”, waxa uuna farxadda ku qeexayaa in ay tahay natiijo ka dhalata sameynta qofka waxa uu jecelyahay.
Sidoo Kale Aqri: Sidan Sameey Oo Hel Furaha Sirta Ah ee Farxadda
Xaqiijinta farxadda
Si aad u xaqiijiso farxadda qoraagu waxa uu bixinayaa talooyin badan oo qeyb ka mid ah aan halkan idinku soo gudbinay, waxaana talooyinka ka mid ah
Naftaada Aqbal: marka qofka uusan aqbalsaneyn naftiisa, waxa uu xasaasiyad ka qaadaa diidmada dadka kale, marka uusan qofka aqbalsaneen naftiisa, waxa uu waqti badan ku dhumiyaa sidii uu u heli lahaa jaceylka dadka kale, marka uusan qofka naftiisa aqbalin xaqiiqada ayaa noqota cadowgiisa koowaad, marka uusan qof aqbalin naftiisa ma helaayo goob uu kaga dhuunta indhaha dadka kale.
Naftaada oo aad aqbasho- ayey ka bilaabataa wax walbo, marka aad adiga is ogolaato ayey dunidana ku ogolaataa.
❝ Qeyb walbo oo iga mid ah waan aqbalaa, wixii aan aqbali karina waan iska indha tiraa❞
David Viscott
Firkadaha Dadka Kale: Fikradaha iyo waxyaabaha ay aaminsanyihiin dadka kale waa mid iyaga u gaar ah, dadka kale waxa ay u fikiraan sidaada oo kale oo iyagaba waxaa maskaxdooda ka guuxaaya waxa aad adiga ka aaminsan tahay.
Dadka kale waa maseeri karaan, waa ku xasdi karaan, ama waxa ay ku qiyaami karaan- sidaa darteed wax walbo oo ay maqlaan ama arkaan waa mid inxiraafsan oo dhankooda u janjeerta, mana ahan wax adiga kaa tarjumaya.

❝Waxa aan aniga iska aaminsanahay ayaa muhiim ah, waxaan qiimeynaa nafteyda, waxaan xasuustaa meelaha aan ku fiicanahay oo dhan❞
David Viscott
Naftaada Farxad Geli: Si fiican baad u ogtahay ma jiro qof dhimashada kaa badalaya, sidaa awgeed noolashu waxa ay mudan tahay in aad taada u noolaato, mar waliba oo aad isku daydo raali gelinta dadka kale waxa aad muujisay in mashaacirtooda kaa muhiimsantahay, hadii aan erayo kale kuugu sheego: si walbo oo aad isku daydo ma dhaceyso marnaba in aad gaarto u jeedka raali gelinta dadka kale.
Sidoo Kale Aqri: Sidee Iskaga Joojin Kartaa Waji Ka Naxa ..Baro Qaabab Fudud
Jaceyl Ha Sugin: Hadii aragto dad ku dhahaya waan ku jeclaan lahaa hadii aad sidaa sameyn laheyd ama warkeena maqli laheyd, ogow dadkaasi kuma jecla xitaa hadii aad sameyso sida ay kuu sheegeen, jaceylka noocaasi waa “jaceylka sharuudeysan” meel ku qora: hadii uu jiro qof ku jecel, qofkaasi waxa uu ku jeclyahay si dhab ah kumana qasbanid in amarkiisa qaadata ama aad sidaa u sameysa.
Sharuud la’aan ayaan jeclahay dadka oo dhan, mana jiro waxa aan ka sugaayo badalkeeda.
DAVID VISCOTT
Geesi Noqo: uma baahnid in aad dhakada sare ka fuusho buurta “Everest”, kaliya waxaa lagaaga baahan yahay tallaabo fudud oo aad horay u qaado, noqo geesi, waxyaabaha aad higsaneyso heer ayaad ka gaareysaa waa hadii aad leedahay geesnimo yar, kuma qasbanid in aad xaliso dhibaatooyinka ku heysta oo dhan kaliya waxa lagaa rabaa in aad bilowdo, waxaa lagaa rabaa in aad leedahay geesinimo fudud.
Jooji Kaamil raadinta: caruurta ayaa ah kuwa aaminsan kaamilnimada, waxaa laga yaabaa in aad waalidkaada u maleyn jirtay in ay yihiin kuwa dhameystiran oo kaa badbaadin kara halis walbo.
Waxa uu ahaa iktishaaf aad u xanuun badan markii aad ogaatay in waalidkaada uu yahay bani’aadam, oo aysan awood u laheyn dhameystirnaan.
Qof walba oo naga mid ah waxaa qalbiga uga jira kaamil raadin, maxaa yeelay dhammaanteen waxa aan baadi goob uga jirnaa “in nala jeclaado”, haddaba adiga arintaasi maxaa kaga dagsan?
Qoraaga David Viscott, waxa uu ku leeyahay “armey kuu fiican tahay in aad naftaada jeclaato kor iyo hoos”, hadii aad aqbasho muuqaalkaaga dad kalana waa ay ku jeclaanayaan.

❝Waa i kan aniga oo wata ceebaheyga iyo wax waliba oo aan leeyahay, dadka oo dhan ayaana jeclahay aniga oo ka sugeynin wax badal ah❞
David Viscott
Daacad Noqo: noocyada ugu waaweyn munaafaqnimada waxa ay yimaadaan marka aad isku daydo in aad farxad geliso dadka kale, gaar ahaan marka aad ka cabsaneysid dadka kale in aysan ku aqbali doonin hadii aad runta sheegto.
Ha isku dhigan mid daneynaya waxa aadan daneynin, dadku qof runta kaga nixiya ay ka jecelyihiin qof been u sheega oo maran habaabiya.
Dhimashada Aqbal: geeridu ma ahan doorasho waa qasab, sida noolashuba aan annaga u dooranin.
Marka aad ogtahay in uu jiro dhamaad, waxa aad ku dadaaleysaa doorashada bilow sax ah: kumaa tahay? maxaad halkan u timid? xagee u socotaa? maxaad ka tagi doontaa dhimashadaada ka dib?
Ha doodin: Ma jiro wax ka soo naaso cadaada dood, dadka oo dhan fikradahood ayey aaminsanyihiin, haddaba muxuu yahay u jeedka aad ka leedahay in aad qeyliso si aad dadka kale u badasho?
Kuma qancin kartid dadka kale in aad tahay qof aragti wanaagsan oo kaali iska arag ah, laakiin doodda waxaa ka dhalan kara su’aalo badan oo kugu sababi kara shaki nafeed.
Dhagaha raaraci: Talo ayaan kuu haayaa, dadka si fiican u dhageyso, arinta oo dhanba waa intaas.
Dhageyso..marka dadku ay hadlayaan u sug inta ay fikradahooda iyo aragtidooda ay soo bandhigayaan, iskuna day in aad fahanto waxa ay sheegayaan. kuma qasbanid in aad fikradahooda ku raacdo, kuma qasbanid in aad qanciso, kaliya fahan waxa ay ka hadlayaan hadii aadan fahmin weydii :ma ii sharxi kartaa? maxaa ka wadaa sidaas? laakiin hadalka ha ka dhax gelin, fursadna u sii si ay dareenkooda u muujiyaan.
2- Waxaan Kaa dhigi Karaa Taajir

Nacas ha isku noqonin, ma jiro qof kaa dhigi kara ‘hantiile”, adiga oo kaliya ayaa naftaada ka dhigi lara hantiile, balse buuggani waxa uu xambarsan yahay macluumaad xasaasi ah oo quseeya “lacagta iyo hantida”
Sidoo Kale Aqri: Sidee Ku Noqon Kartaa Hantiile Wax Ka Yar Sanad Gudahiis?
Waan aqristay buugan, waana jeclaaday, waan sababta aan u doortay in uu noqdo buugga labaad ee aan halkani ku soo gudbiyo.
Waxaad Ku dhowdahay taajir noqosho!
Sida uu ku doodayo saaxibka qoray buuggan paul mckenna, muhiim ma ahan xaaladda maaliyadeed ee aad hadda ku sugan tahay, meel waliba oo aad joogto wax badan heyso ama wax yar, maanta noolashaada waad badali kartaa, maanta waxaa bilaabi kartaa mustaqbalkaada maaliyadeed.
Qoraagga waxa uu buugga u qeybiyey labo qeyb oo kala ah:
1- Saykoolajiyadda Lacagata:
Qeybta koowaaad waxa uu qoraagga ku sharxayaa fikradda “lacagta” gaar ahaan waxa uu qeybinayaa fikradaha dadka, isaga oo u kala kooxeynaya: mufakir taajir iyo mufakir sabool.
paul mckenna, waxa uu na leeyahay caqligaada waxa uu tuujinayaa waxyaabaha aad had iyo jeer ku fikirto hadii aad xoogga saarto faqri iyo baahi waxaa kugu baahi doona faqri, hadiise aad xoogga saarto hantida iyo taajirnimada waad heli doontaa.
Sidoo Kale Aqri: Sidee U Heli Kartaa Wax Waliba Oo Aad U Baahantahay?
Jooji lacagta kaga baxdo caadifadda: qoraagga waxa uu leeyahay waxaan bilaabay in aan helo lacag badan, markii la gaaray bixinta canshuurta waxaan waayey lacag aan iskaga bixiyo, waxaana halkaas iiga soo baxday su’aal muhiim ah : yaa raaxo badan lacag keydsi mise lacag bixin?

“Farqiga u dhaxeeya Taajirka iyo Saboolka waa: dadka saboolka ah lacagtooda ayey bixiyaan wixii u soo hara ayeyna maalgeliyaan, halka kuwa taajiriinta ahna ay lacagtooda maalgeliyaan wixii u soo harana ay bixiyaan.”
jim rohn
Sidoo Kale Aqri: Dhaqaalahaaga ayaad Ku Ciyaareysaa Hadii Aad Lacag Keydiso!
2-Sidee Lacag Lagu Helaa?
Qeybta labaad ee ugu dambeysa buugga “Waxaan kaa dhigi karaa Taajir” qoraaga waxa uu na siinayaa sir aan ku heli karno maal iyo lacag sirtaas oo ah: Lacagta darteed ha u shaqeynin iyadoo macquul tahay lacagtu in iyadu kuu shaqeyso!
paul waxa uu qeybta dambe ee buugga ku faafaahiyey seddex xirafadood kuwaasi oo naga saacidaya lacag sameynta
Siyaasi walbo waxa uu u baahan yahay dad u codeeya, ganacsatada waxa ay u baahan yihiin dad alaabtooda iibsada, filim soo saarayaasha waxa ay u baahan yihiin dad muuqaaladooda daawada, sidaa darteed waxaan dhihi karnaa guul ama fashil walba oo mashruuc ku yimaada waa un natiijada ka dhalatay go’aanka ka yimid dadkaasi taageeri lahaa wax soo saarkaada.
Dadka waa ay ku taageeri donaan hadii ay kaa arkaan seddexdan xirfadood kuwaasi oo uu qoraaga faafaahiyey, balse aan u soo gaabinay si uusan qoraalka noogu dheeraan:
- In aad dadka barto kumaa tahay adiga
- In aad u sheegto oo aad ka dhaadhiciso waxyaabaha aad u qabaneyso (suuq geyn).
- In aad ku qanciso in aad mudan tahay daneyn (ku qanci in ay ku maalgashadaan).
Gunaanad: Muddo sanado yar laga joogo waxaa gurigeyga iigu yimid aqoonyahanka caanka ah ee Robert sheldrick isaga oo waday baaritaano ku saabsan awoodda afkaarta bani’aadamka ay u leedahay in ay saameeyo fikrdaha iyo mashaacirta dadka kale, inkastoo uu ahaa qof shakisan sideyda oo kale, laakiin wixii inoo soo baxay waxay igu keentay in aan maskaxdeyda furfura oo aan aamino waxyaabo badan oo dhici kara.
sanadkii 1993-kii waxaa Washinton yimid quburo waxa ayna maalin kasta qabanaayeen labo kulan oo saacad ka mid labadaba kulanba ay xoogga ku saarayeen in ay fikrdaha nabad gelyada ku baahiyaan magaalada.
Natiijadu waxa ay noqotay -inkastooy dood dhalisy- hoos u dhac ku yimid 20% fal dambiyeedyadii magaalada ka dhici jiray.
Halkaasi waxaa ka muuqanaya saameynta fikradheena jamaaciga ah ay ku yeelanayaan waaqiceena, sida uu leeyahay Ghandi: ” waa in aad adiga noqotaa isbadalka aad dooneysid in aad dunida ka dhax aragto”.
Hodantinimada marka aad ka dhax raadiso naftaada, taasi waxa ay dunida kugu hareereysan ka dhigeysaa meel hodan ah…..Allaha na waafajiyo.