Halkan Sabab Darteed Ayaan Dhamaanteen U Noqonay Siyaasiin !

-

Xilli hore oo ah waqtigii aan joognay Isjuulka, ayaan maqalnay oraahdan “waxaad tihiin madaxdii birrito” , arinka waxaa shidaal ku sii shubay markii aan buugaagteena ku aragnay taariikhdii soomaalidii hore, oo shayga kaliya ee lagu amaanayaa ay tahay hogaan wanaagsan, xil la qabtay iyo siyaasad aqoon.

Aqoonyahankii Muslimka  ahaa ee arimaha bulshada Ibnu Khalduun waxaa uu leeyahya “Qofka waxaa uu cunug u yahay deegaankiisa”

Waxey yiraahdaan, dadka xeebaha dagan waxa ay jecelyihiin dadka cusub, madaama had iyo jeer ay qaabilaan dad cusub, hase yeeshee dadka degan baadiyaha fog ee ka baxsan badaha iyo wabiyada, waa dad adkeysi badan, waana dad shaki badan, madaama noolashooda ku yartahay in arkaan dad iyaga ka duwan.

Ma rabo in aad idinku dheereeyo aragtiyaasha iyo daraasadaha cilmiga bulshada, waxaan rabaa in aan is weydiino su,aashan “Sax miyaa  dhaqanka bani,aadmiga saameyn ma ku leeyahay Deegaanka?”

Aniga waxey ila tahay HAA Adigase jawaabtaada noogu reeb qeybta hoose ee comment-ga, iina ogolow in aan sii cadeeyo sababta aan HAA ugu jawaabay.

Waxaan aad u jecelnahay siyaasadda waxaan aqrinaa wararka la xariira siyaasadda si ka badan wararka kale ee quseeya dhinacyad noolasha ee kala duwan,laakiin  muxuu yahay sababaha ugu weyn ee siyaasadda na jecleysiiyey?

Dhaamaanteen ma nihin isku caqli iyo dareen si aan hal shay u wada jeclaano ..hase ahaate jawaabtu waa mid fudud waana deegaanka… hadaba ila arag qaabkii deegaanka uu inoo jecleysiiyey Siyaasadda.

Allaha u naxariistee Marxuumka geeriyooday ayaa siyaasadda ku biiray isagoo labaatan jir ah…dadkii yaqaanay waxa ay ku sheegeen in u ahaa nin hogaan waanaagsan, cod kar ah, islamrkaana wax ka badalay siyaasaddii dalka….waxa uu xil ka soo qabtay dowladihii dilka soo maray laga soo bilaabo Carte 2000 ilaa dowladda haatan xilka heysa ee Farmaajo…Marxuumka dhintay ayaa inta uu dhiman waxaa uu sheegay damaciisa ahaa in uu noqdo madaxweynaha dalka”

Waa kalimadaha dhagaheena ku soo dhaca mar walbo oo uu dhinto qof caan ah oo dalka  soo maray, hadaba qofka soomaaliga ah ee dhagahiisa ay ku so dhacayaan ereyadan waa qasab in uu siyaasadda xiiseeyo si uu u kasbado amaanta intaa la eg ee lagu huwiyey siyaasigaasi.

Hase ahaatee waa arin wax ka badali laheyd hiigsigeena iyo fikirkeenna hadii aan maqalno ereyadan:

Marxaauma geeriyooday waxaa uu ahaa maakino caan ah oo oo aqaan qaabab loogu kala badalo turbin-da Banziin iyo Shidaal…Marxuunka dhintay waxaa uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee qaliin ka fuliya gudaha Soomaaliya…….wax uu ahaa marxuumkani ninkii ugu horeeyey ee biraha Aluminium-ka ah keena soomaaliya… wuxuuna rajeynaayey inta uusan dhiman ka hor damaciisa ku aadan in la helo Aluminium laga soo saaro ciidda soomaaliya.

Aqriste mowduucan waa dood u faran aragti wadaag …Ma heysaa fikrad tan ka duwan oo aad uga jawaabi karto su,aashan:   “Maxaa dhamaanteen naga dhigay falanqeeyaal siyaasadeed?”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...