Halkan Sabab Darteed Kenya Oo Kismaayo Ka Baxeysa

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda Kenya oo dhiig bax badan kala kulmeysa dhaqaalaha ay ku bixiso Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya, ayaa dhawaan qaaday tallaabo kale oo ay ku dhimeyso lacagaha kaga baxa Soomaaliya.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Dowladda Kenya ayaa lacag hal bilyan oo shilling ah ka dhintay qarashka ku baxa ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, taasi oo ah astaan muujineysa inay billaabayaan ka bixitaan tartiib ah, oo ay uga soo tagayaan Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Business Daily Africa.

Inkasta oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu marar badan ku celiyey in ciidamada ay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa ay ka noqoto soomaaliya waxa uu ugu yeeray “dal nabdoon” haddana is-beddelka lagu sameeyey miisaaniyadda, ayaa muujinaya is-beddel siyaasadeed.

Sidoo Kale Aqri. Muranka Badda..Somaaliya Iyo Kenya Oo Ku Kala Nastay 3-0..Waa tan Faafaahinta

wargeyska ayaa qoray in sababta kaliya ee Kenya ay u dhimi karto qarashka uu yahay in la yareeyey ciidamadii joogay Soomaaliya, taasi oo muujineysa in ciidanka Kenya ay qeyb ahaan kasoo baxayaan Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana xooggooda ay taageeraan maamulka Jubaland, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka ee Muqdisho.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada