Halkan Sabab Darteed Ma Laga Yaabaa In Farmaajo IS Casilo ! ?

-

Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah websiteyada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa lagu qoray inuu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha.

Dabagal lagu sameeyay waxa ka jira warkaan iyo xiriir lala sameeyay Xafiisyada labada Mas’uul. Sida ay baahiyeen Warbaahinada  ayaa mas,uuliyiinta waxa ay  ka gaabsadeen in ay ka hadlaan  Khilaafka u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Inkastoo labada Mas’uul ay ka dhaxeyso saaxibtinimo iyo xididnimo, lagana yaabo in khilaaf walbo si hoose loo xaliyo hase ahaate xogta  la helaayo ayaa sheegeysa in khilaafka gaaray heer Mooshin.

Baraha Bulshada ayaa qoray inuu Madaxweyne Farmaajo ku amray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu xilkiisa iska casilo kadib markii ay is khilaafeen,. Baraha Bulshada ayaa lagu qoray inay labada Mas’uul isku qabteen xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliye xigeenadii Nabadsugidda iyo xilal kale oo dad Mas’uuliyiin ah laga qaaday.

Khilaafkan ugubka ah ayaa dhowr mar dhicisoobay, laakin markani waxaa uu u muuqdaa mid gaaray heer sare oo ay adagtahay in xididnimo lagu xaliyo, waxaana wararka hoose ay sheegayaan in Kheyre uu tafaha u xeeday sidii Farmaajo loogu qasbi lahaa in uu Is casilo.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...