Hambalyo: Madaxweyne Trump go,aan Geesinimo leh iyo Halyeeynimo !(Maxaa dhacay?)

La Wadaag Asxaabtaada

Hogaamiyha xarakada xamaaz Ismaaciil Haniya ayaa si carro leh kaga jawaabay go,aanaka trump waxa uuna yiri”Waxa uu Trump u arkaayo geesinimo iyo halyeeynimo ayaa waxaa aan leenahay wa Guri aan saqaf laheyn” waxa uuna ka digay in go,aanka Trump uu noqdo muuqaal is badal oo argagax badan oo ka dhaca gobolka.

waxa kale oo uu yiri” go,aankan waxaa uu soo afjarayaa wadahaladii socday” waxaa uu intaasi raaciyey “anaga kuma afduubnaaneyno mareykanka ! shacbkeenana wuu awooda kacdoon”

ugu danbeyntii Ismail haniya ayaa yiri”Qudus waxa ay tahay ahaana doontaa caasimada dowlada falastiin, caasimad carbeed,caasimad muslimiinta”.

ugu danbeyntii haniya ayaa sheegay “Go,aanka waxba kama badalaayo xaqiiqada taariikheed ee falastiina” waxa uuna hadalkiisa ku adgeeyey”asaal ahaan ma jirto dowlada isra’il ay leedahay oo ka dhaqan galeysa dhulka qudus”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada