Hanti dhowrka Guud oo ku gacan seyray xil ka qaadistii aay ku sameeyen Golaha Wasiirada

-

Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis lagu sameeyay, kaddib kulan deg deg ah oo caawa Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada.

Xil ka qaadistan ayaa daba socday dhacdadii xalay lagu dilay Wasiirkii Cabaas, kaasoo Ilaalo la socotay Hanti dhowrka Guud ay ku toogteen agagaarka Madaxtooyada.

Wareysi uu goor dhow siiyay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista, waxaa uu meesha ka saaray in Golaha Wasiirada xil ka qaadi karin.

“Habka Golaha Wasiirada u mareen xil ka qaadista waa mid sharci darro ah, xil igama qaadi karaan, baarlamaanka ayaa iga qaadi kara”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Bishii Agosto ee sanadkii 2016 ayaa wareysi uu Hanti dhowraha Guud siiyay Telefishinka Horn Cable ayuu ku cadeeyay in Baarlamaanka uu xasaanada kala noqonayo, isla markaana Madaxweynaha uu digreeto ku soo saarayo.

Hase ahaatee Baarlamaanka oo hada fasax ku maqan illaa bisha July ayaa waxay keeni kartaa xaalad jahwareer iyo caqabado dowladda soo wajaha oo ka dhasha xil ka qaadista Hanti dhowrka Guud.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...